Mareykanka oo qirtay khasaaraha kasoo gaaray dagaalka Iran
WASHINGTON — Milatariga Mareykanka ayaa qirtay in dagaalkii uu la galay Iran uu sababay hoos u dhac ku yimid kaydka rasaasta iyo hubka casriga ah, taas oo cadaadis dheeraad ah ku abuurtay awoodda warshadaha difaaca ee dalka.
Warbixin uu soo saaray Kormeeraha Guud ee Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa lagu qiyaasay in dagaalka, intii u dhaxaysay 28-kii Febraayo iyo 30-kii Juun, uu ku kacay $33.4 bilyan, oo u dhiganta ku dhowaad 29 bilyan oo euro. Ku dhowaad $20 bilyan oo lacagtaas ah ayaa lagu bixiyay rasaas iyo hub la adeegsaday intii uu dagaalku socday.
Warbixintu waxay sheegtay in baaxadda hubka iyo rasaasta la adeegsaday ay keentay waxa ay ugu yeertay “yaraansho istiraatiiji ah oo ku yimid kaydka hubka”, iyadoo sidoo kale muujisay caqabado ka jira awoodda warshadaha difaaca Mareykanka ee dib loogu buuxinayo kaydka hubka.
Arrintan ayaa walaac ka dhalisay in kaydka qaar ka mid ah gantaallada casriga ah iyo hubka difaaca uu qaadan karo waqti dheer in dib loogu soo celiyo heerarkii uu joogay ka hor dagaalka.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhankiisa meesha ka saaray walaacyada ku saabsan yaraanta hubka, isagoo ku adkaystay in kaydka rasaasta Mareykanka uu yahay “ku dhowaad aan xad lahayn.”
Si kastaba, khubaro ayaa qiyaasaya in ay qaadan karto ku dhowaad saddex sano in kaydka gantaallada casriga ah iyo kuwa difaaca cirka dib loogu soo celiyo heerarkii uu joogay ka hor dagaalka.
Warbixinta Kormeeraha Guud waxay sidoo kale diiwaangelisay burbur ballaaran oo ka dhashay weerarradii Iran ee lagu qaaday saldhigyada ciidamada Mareykanka ee ku yaalla Bariga Dhexe.
Boqolaal dhisme iyo xarumo kale ayaa la sheegay in ay waxyeello soo gaartay ama gebi ahaanba burbureen. Kharashaadka dib-u-dhiska iyo dayactirka dhismayaashaas kuma jiraan qiyaasta $33.4 bilyan ee kharashka dagaalka.
Warbixintu waxay muujinaysaa in isticmaalka baaxadda leh ee gantaallada iyo hubka kale intii uu socday dagaalku uu saameyn ku yeeshay kaydka istiraatiijiga ah ee Mareykanka iyo awoodda warshadaha difaaca ee dib u soo saarista hubka loo baahan yahay.
GAROWE ONLINE