Mareykanka oo shaaciyay magaca Askari looga dilay Soomaaliya

Image

WASHINGTON - Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka [Pentagon], ayaa shaacisay maanta oo Axad ah magaca Askari American ah oo Jimchii lagu dilay weerar ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo.

Askariga ayaa magaciisa lagu sheegay Staff Sgt. Alexander Conrad, oo 26 jir ahaa islamarkaana katirsanaa Guutada 1aad ee Ciidamada gaarka Mareykanka ee ka howlgala Soomaaliya.

Weerarka lagu khaarijiyay Askarigan oo ka dhacay Jimcihii lasoo dhaafay Tuulada Baar-Sanguni oo qiyaastii 45-KM dhanka woqooyi uga beegan Kismaayo ayaa waxaa lagu dhaawacay sidoo kale afar kale oo uu ku jiro mid Kenyan ah.

Alexandar wuxuu ku dhashay magaaladda Chandler, oo ka tirsan gobolka Arizona.

Weerar hoobiyaal ah iyo mid toos ah oo lagu qaadey Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo Soomaali, Kenyan iyo American isagu jira oo dhacay Jimcihii, abaare 2:45 p.m. waqtiga geeska Africa ayuu ku dhintay Askariga, iyadoo 4 kale ay ku dhaawacmeen.

Afarta kale ee dhaawaca ah ayaa loo qaadey Isbitaal ku yaalla Safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi, halkaasi oo lagu daaweynayo, sida lagu xaqiijiyay war kasoo baxay AFRICOM.

Saldhiga la weeraray oo ahaa mid cusub oo dhawaan Baar-Sanguuni ka sameysteen Ciidamada Kenya, Soomaalida iyo kuwa Mareykanka oo gaarayay 800 oo Askari ayaa maanta dib ula wareegtay Al-Shabaab. [Halkan ka akhri Warka].

Conrad, wuxuu kasoo qalin jabiyay xarunta tababarka ee Fort Bragg, oo ku taala gobolka North Carolina, isagoo mudo sanado ah kasoo mid ahaa Guutada 1aad ee Battalion iyo midka 3aad ciidamada gaarka ah.

Weerarka lagu dilay wuxuu yimid maalin un kadib markii Pentagon-ka Mareykanka uu shaaciyay in duqayn ka dhacday Soomaaliya ay ku dileen 27 kamid ah Kooxda Al-Shabaab.

Thomas Waldhauser oo ah Taliyaha taliska Afrika ee Mareykanka ayaa balanqaaday inay xoojin doonan howlgallada ka dhanka ah argigixisada Afrika, gaar ahaan Soomaaliya ayna jawaab cad ka bixin doonan.

Waa Askarigii 1aad oo Mareykanka looga dilo Soomaaliya 2018 looga, iyadoo bishii May ee 2017 looga dilay deegaanka Bariire 1 Askari oo kamid ahaa Navy SEAL.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM