Mareykanka oo urur argagixiso u aqoonsanaya Xuutiyiinta

Image

WASHINGTON, USA - Mareykanka ayaa u aqoonsan doona fallaagada Xuutiyiinta Yemen koox argagaxiso ah, Xoghayaha arrimaha dibedda Mike Pompeo ayaa siddaas sheegay. Tani waa tallaabo xilli dambe timid oo ay kooxaha gargaarku ka qeexeen inay uga sii dari karto dhibaatada bina-aadamnimada.

Maadaama ay 10 maalmood oo kaliya ka harsan tahay ka hor inta aanu xilka la wareegin Madaxweynaha la doortay Joe Biden, ficilkan ayaa carqaladeyn kara dadaalka maamulka cusub ee dib loogu bilaabayo la hadalka Iran, oo xiriir la leh Xuutiyiinta iyo dib u qiimeynta xiriirka Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya, oo ka horseeday guluf bahalnimo gudaha Yemen.

"Talaabadan waxaa loogu talagalay in lagula xisaabtamo Ansar Allah iyo falalkeeda argagixisanimo, oo ay ka mid yihiin weerarada ka dhaca xuduudaha ee loo hanjabayo dadka rayidka ah, kaabayaasha dhaqaalaha iyo maraakiibta ganacsiga," ayuu Pompeo ku yiri bayaan uu soo saaray, isagoo adeegsanaya magaca rasmiga ah ee dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta.

Wuxuu raaciyey: "Waxay sababtey olole dad badan lagu laayay, wiiqida xasilloonida gobolka oo u diidaysa Yamaniyiinta xalka nabadeed ee colaadda dalkooda".

Pompeo wuxuu tusaale u soo qaatay weerar 30-kii Diisambar lagu qaaday garoon diyaaradeed oo ku yaal magaalada labaad ee ugu weyn Yemen ee Cadan, halkaas oo ay ku dhinteen 26 qof, ayadda oo dowladda ay taageerto Sacuudiga ay falkaas ku eedeysay Xuutiyiinta.

Kooxda fallaagada ayaa maamusha inta badan dalka Yemen waxaana haddaa saaran cunaqabateyn Mareykan ah.

Balse in loo aqoonsado koox argagixiso ah ayaa la filayaa inay saameyso dhinac kasta oo cilaaqaad la lahayd maamulka Xuutiyiinta si gaar ah bangiyada iyo iibsashada cuntada iyo shidaalka.

Kooxaha gargaarka iyo sidoo kale xubno ka tirsan xisbiga dimuqraadiga ah ee Biden ayaa ka digay in tallaabadani ay si weyn u carqaladeyneyso dadaallada wax looga qabanayo waxa ay Qaramada Midoobay ugu yeertay dhibaatada bani’aadamnimo ee ugu weyn adduunka.

Pompeo wuxuu ku adkeystay aqoonsashadda - oo dhaqan gali doonta maalin ka hor inta uusan Biden la wareegin xafiiska bisha Janaayo 19 - aysana saameyn ku yeelan doonin howlaha gargaarka.

"Waxaan qorsheyneynaa inaan dejino tallaabooyin aan ku yareyneyno saameynta ay ku leeyihiin howlaha bani'aadamnimada qaarkood iyo soo dejinta Yemen," ayuu yiri Pompeo.

Wuxuu kusoo xiray hadalkiisa: "Waxaan soo bandhignay sidda aan diyaarka ugu nahay inaan la shaqeyno saraakiisha ay quseyso Qaramada Midoobay, hay'adaha caalamiga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn iyo deeq bixiyaasha kale ee caalamiga ah si wax looga qabto saameyntan."

GAROWE ONLINE

Related Articles

FBI-da oo xirtay Nin kashifay dukumentiyo sirdoon oo laxiriira qorshaha weerar Israel ee Iran

Dukumentiyada maxkamada ayaa tilmaamaya in ninkan uu u shaqaynayay dawladda Maraykanka.

  • Caalamka

    13-11-2024

  • 06:47PM

Trump iyo Biden oo markii ugu horeysay ku kulmaya Oval Office

Mareykanka waxaa caado ah in madaxweynaha xilka ka dagaya uu xafiiska ku casuumo madaxweynaha badalaya.

  • Caalamka

    13-11-2024

  • 10:32AM