​Mareykanka oo xiraya xadka uu la-wadaado Mexico

Image

Madaxweynaha Cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay go'aan cusub oo lagu xirayo xadka dalkiisa uu la wadaago waddanka Mexico.

Trump ayaa amar ku bixiyay in laga dhiso xadka Mexico derbiga dherirkiisu yahay 2,000 oo Mile, kaasi oo qeyb ka ahaa ballanqaadyadii ugu muhiimsanaa ee hogaamiyahaas, xilligii ololaha doorashada uu sameeyay.

Golaha Senate-ka USA ayaa la filayaa inuu meelmariyo go'aankan

Madaxweynaha dalka Mexico Enrique Peña Nieto ayaa canbaareeyey tallaabada Donald Trump uu ku gaarey inuu dhiso derbiga.

Sidoo kale Donald Trump ayaa amray in la dhimo dhaqaalaha dadka soogalootiga ah ee ku nool Mareykanka, kuwaasi oo uu ku eedeeyay inaysan haysan sharciyada dalkaasi.

Go'aanada cusub ee Donald Trump ayaa waxaa si aad ah u dhaleeceeyay siyaasiyiinta dalkaasi, iyo malaayiin u dhashay Mareykanka, oo ku tilmaamay mid keeni karta amni darro iyo qalalaase cusub.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM