Barta Tiktok oo dharbaaxo horleh kala kulantey Mareykanka

Image
Wisconsin iyo North Carolina ayaa ku biiray ugu yaraan 22 gobol oo amarkan soo saarey.

WASHINGTON, USA - Gobollada Mareykanka ee Wisconsin iyo North Carolina ayaa ka mamnuucaya barnaamijka caanka ah ee TikTok ee Shiinuhu leeyahay, sida ay iclaamiyeen guddoomiyayaasha ismaamuladan.

"Waxaan hadda saxiixay amar fulin oo ka mamnuucaya TikTok iyo teknoolojiyadda kale ee khatarta ku ah amniga internet-ka ee aaladaha ay dowladdu bixiso," ayuu yiri Guddoomiyaha Wisconsin Tony Evers.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyey: "Difaaca tignoolajiyada gobolkayaga iyo kaabayaasha amniga internetka iyo ilaalinta sirta dhijitaalka ah waxay sii ahaan doontaa mudnaanta koowaad".

Barasaabka gobolka North Carolina Roy Cooper ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ujeedadu ay tahay in "laga ilaaliyo tignoolajiyada macluumaadka gobolka ee wadamada shisheeye ee sida firfircoon uga qaybqaatay weeraradii dhanka Internetka ee ka dhanka ahaa Maraykanka."

"Ka ilaalinta North Carolina hanjabaadaha internet-ka ayaa muhiim u ah xaqiijinta amniga, nabadda, sirta, iyo guusha gobolkeena iyo dadkeeda," ayuu ka dhawaajiyey Cooper.

Goboladda Wisconsin iyo North Carolina ayaa ku biiray ugu yaraan 22 gobol oo kale oo ka mamnuucaya app-ka caanka ah ee fiidyowga lagu faafiyo ee fadhigiisu yahay Shiinaha.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bishii hore saxiixay amar fulineed kaasoo shaqaalaha dowladda ee heer federaal iyo agabka ay ku shaqeeyaan ka mamnuucaya in ay ku soo degsadaan aaladdan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM