Mareykanka: Trump oo abuuray cabsi ku saabsan soo-galootiga

Image

WASHINGTON, USA - Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa mar kale khamiistii abuuray cabsi ku saabsan dadka soo-galootiga ah ee aan sharciga lahayn, isaga oo ballan-qaaday amar madaxweyne oo xaddidaya dadka magangalyo doonka ah ee kasoo galaya xuduudda koonfureed ee Mareykanka.

Isaga oo taageerayaal kula hadlayey magaalada Columbia ee gobolka Missouri, ayaa Trump waxa uu sheegay inuu wax ka beddelayo qodobka dastuurka Mareykanka ee dhalashada siinaya qof kasta oo ku dhasha dalka Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo waxa uu ugu yeeray “dhalashada dalxiiska”, oo ah haweenka ajnabiga ah ee ayaga oo uurka leh yimaada Mareykanka, si ay ugu dhalaan ilmo, kuwaas oo durbadiiba noqda muwaadiniin Mareykan ah.

Trump ayaa sheegay inuu amar madaxweyne wax uga beddeli karo qodobka 14-aad ee dastuurka, hase yeeshee dadka sharciga yaqaan ayaa sheegay inay u baahan tahay wax ka badan qoraal madaxweyne, in isbeddel lagu sameeyo dastuurka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sidoo kale isu soo baxa ka sheegay inuu kasoo horjeeda waxa loo yaqaan “silsiladda socdaalka” ee ah in dadka qaata dhalashada Mareykanka ay qoysaskooda keeni karaan Mareykanka.

Related Articles

Saameynta Safarka Trump ee Shiinaha: Maxaa laga filan karaa?

Maalgashadayaasha caalamiga ah, ayaa ka walwalsan in haddii lagu heshiis waayo canshuuraha cusub.

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 11:10AM

Maraykanka oo kordhiyey joogitaankiisa ciidan ee Bariga Dhexe, iyadoo cadaadis lagu saarayo Iran

Warqad ay Iran u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayay ku sheegtay inaysan…

  • Caalamka

    20-02-2026

  • 11:40AM