Marwada Koowaad ee Mareykanka oo laga helay Covid-19

Image

WASHINGTON, Mareykanka - Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay in Marwada Koowaad Jill Biden uu ku dhacay Caabuqii Covid-19, iyada oo ka muuqata astaamo fudud, halka baaris lagu sameeyay Madaxweyne Joe Biden lagu ogaaday in uusan qabin cudurka.

“Ka dib markii Marwada Koowaad lagu arkay astaamihii cudurka (Covid 19), Madaxweyne Biden waxa uu maray tijaabada Covid fiidnimadii caawa. Waxana lagu ogaaday in uuu caafimaad qabo, "Aqalka Cad ayaa yiri.

Markii ugu dambeysay ee Biden xaaskiisa oo 72 jir ah laga helay xanuunka "Covid 19" waxay ahayd Agoosto sanadkii hore, halka madaxweynaha 80-jirka ah uu hore ugu dhacay cudurka bishii Luulyo 2022.

Agaasimaha isgaarsiinta ee marwada koowaad Elizabeth Alexander ayaa ku tiri hadal ay soo saartay: "Waxaa Marwada Koowaad Fiidkan lagu arkay cudurka (Covid-19). Waxayna sii joogi doontaa guriga."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM