​Masar iyo Sacuudiga oo hishiis maalgashi gaaray

Image

QAHIRA- Sida uu cadeeyay boqor Salmaan-ka dalka Sacuudiga, waxaa dhacay hishiis taariikhi ah oo dhexmaray dowladda Masar iyo xukuumadda Riyat kadib kulamo ka dhacay magalada Qahira kuwasi oo looga hadlay xiriir dhexmara labada dhinac.

Salmaan, ayaa warbaahinta u sheegay inay ku hishiiyeen dhismaha buundo dulmarta Badda Caas taasi oo isku xirta Qaaradaha Afrika iyo Aasiya, waxaana danta laga leeyahay ku sheegay in la xoojiyo xiriirka ganacsi ee ka dhacay labada qaaradooda.

Arrintan ayaa boqorku ka cadeeyay telefishin dalkaasi ku yaalla maalintii Jimcaha.

"Waxaan ku hishiinay walaalkay mudane Madaxweyne  Abdel Fattah el-Sisi, inaan dhisno buundo isku xirta laba waddan," Ayuu yiri Salman.

"Waa hishiis taariikhi ah maadama la isku xirayo qaaradaha Afrika iyo Aasiya, wuxuuna kor u qaadayaa ganacsiga ka dhaxeeya labada qaaradooda kaaso hadda maray meel wanaagsan," Ayuu yiri boqorka Sacuudiga.

Ma uusan caddayn halka buundada laga dhisayo, balse warar ayaa sheegaya in dhismaha laga bilaabi doono Nabq,  oo ku talla Waqooyiga Sharm el-Sheikh iyo Ras Alsheikh Hamid oo katirsan boqortooyada Sacuudiga.

Madaxweynaha dalka Masar el-Sisi ayaa ka mahadceliyay maalgashiga waddankiisa ka samaynayso boqortooyada Sacudiga.

Boqorka dalka Sacuudiga ayaa booqasho dhan shan bari ku jooga magalada Qahir, waxaana kulamo kala duwan la qaatay hogaamiyaasha waddankaa isagoo la filayo inuu khudbad u jeediyo Barlamanka dalka Masar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaafkii Sacuudiga iyo Imaaraadka oo sii qoto dheeraaday kaddib dagaallo ka dhacay Yemen

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in Riyadh ay ka walaacsan tahay ballaarinta saameynta Imaaraadka ee dekedaha.

  • Caalamka

    21-01-2026

  • 11:04AM

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM