Masar iyo Turkiga oo Cambaareeyay Qorshaha Israa’iil ee Qabsashada Magaalada Gaza

Image

Masar, 10 Agoosto 2025 – Kulankii laba geesoodka ahaa ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Turkiga oo Sabtidii ka dhacay Masar ayaa lagu soo bandhigay mowqif mideysan oo ku saabsan dagaalka Israa’iil ee ka socda Marinka Gaza.

Badr Abdelatty, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, ayaa ku tilmaamay qorshaha Israa’iil ee ah in ay dhammaan gacanta ku dhigto Marinka Gaza mid “aan la aqbali karin”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa si la mid ah uga hadlay arrintan, isagoo yiri, “Waa in si daahfuran looga hadlaa. Ujeeddada Israa’iil waa in ay ‘ka saarto Falastiiniyiinta’ Gaza, iyadoo doonaysa in ay u beddesho meel aan Falastiiniyiintu ku noolaan karin, halkaas oo ay ku degan karaan degganayaal joogto ah oo ay iyagu keenaan.”

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa Khamiistii wareysi uu siiyay Fox News ku sheegay in Israa’iil ay qorsheyneyso inay gacanta ku dhigto guud ahaan Marinka Gaza, dagaalkaas oo ay ku jirto muddo ku dhow laba sano. Wuxuu sheegay in wejiga ugu horreeya uu noqon doono in la xakameeyo magaalada Gaza.

Golaha Ammaanka Israa’iil ayaa Jimcihii ansixiyay talaabadan, inkastoo aysan si cad u sheegin in qorshuhu yahay in la qabsado guud ahaan dhulka Gaza.

Kulanka Masar ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay baahida loo qabo in dhammaan dalalka Muslimiinta ah ay isku yimaadaan una midoobaan arrinta dagaalka Israa’iil ee Gaza.

Dhinaca kale, Masar oo ay wehliyaan Qatar iyo Mareykanka ayaa muddo bilooyin ah ku hawlaneysay dadaallo dhexdhexaadin ah oo lagu joojinayo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo kooxda Hamas, balse weli ma aysan gaarin heshiis waara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM