Masar: markab marayey Badda Dhexe oo la weeraray

Image

November 13, 2014 (GO)- Ugu yaraan siddeed askari oo ka tirsanaa ciidamada badda ee dalka Masar ayaa la la'yahay shan kalena dhaawac ayaa soo gaarey kadib markii kooxo si aad ah u hubeysan islamarkaana watey afar doomood oo nocoa dheereeya ahi weerar kusoo qaadeen markab ciidamada bada Masar leeyihiin oo marayey Badda Dhexe.

Af-hayeen u hadlay militeriga Masar ayaa sheegay in weerarkaasi ahaa mid argagixiso islamarkaana lagu guuleystey in la burburiyo doomiyihii weerarka loo adeegsaday 32 qof oo kamid ah kuwii weerarka fuliyeyna iyaga oo nool gacanta lagu soo dhigay.

Afhayeenku wuxuu intaas ku dary in weerarku ka dhacay meel qiyaastii 50km u jirta magaalada Port Said. Markabka la weeraray waxaa la socdey askar roondo ka sameynayey biyaha ku dhow kanaalka Suweys.

Kooxo xagjir ah oo xiriir laleh ururka Al-qaacida ayaa horay u sheegtay mas'uuliyadda dhowr weerar oo lala beegsaday ciidamada masar, weeraradaas oo tobanaan askari lagu diley in ka badan boqol kalena lagu dhaawacay.

Ammaanka dalka Masar ayaa soo xumaanayey laga soo bilaabo markii militerigu xukunka ka tuureen madaxweynihii sida dimuqraadiga ah loosoo doortay ee Muxamad Mursi, dabadeedna doorasho dhacday kusoo baxay Cabdulfataax Al-siisi oo isagu horay u ahaa taliyihii guud ee ciidamada Masar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM