​Masar oo liiska Argagixisada ku dartay Cayaaryahan hore

Image

Dowladda Masar ayaa liiska Argagixisada ku dartay Cayaar yahay hore oo katirsanaa Kooxda Al-Ahli iyo xulka qaran dalkaas kadib markii lagusoo eedeeyay inuu taageeray kooxda waddankaas laga mamnuucay ee Ikhwaanul Muslimiin.

Masar, ayaa sheegay in ninka lagu magacaabo Mohamed Aboutrika, uu taageero dhaqaale u fidiyay kooxdaas waqtigii la doortay Madaxweynihii shacabka ee Maxamed Mursi sannadkii 2012.

Laacibkan sannadkii 2008-dii ku guulaysatay cayaaryahanka Africa ee BBC-da, ayaa lagusoo rogay xayiraad dhinaca Baasaboorka iyo hantidiisa ah, taasoo inta badan ah qorshe ay xukuumadda Masar ku ciqaabto xubnaha ay ku xiriiro kooxda dalkaasi laga mamnuucay.

Balse, Qareenka u doodayay Mohamed Aboutrika, ayaa beeniyay arrintaas, wuxuuna sheegay in go'aankaas lagu dag-dagay iyadoo aan laga fiirsana dowladdu ku dhaqaaqday.

Wuxuu meesha ka saaray inuu wax taageero ah u fidiyay Ikhwaanul Muslimiin, isagoo tilmaamay inuu yahay laacib magac iyo miisaan kuleh dalkiisa.

Tallaadaba ayaa noqotay mid aad u hadal hayaan teegeerayaasha xidigan iyo dhammaan bulshada caalamka.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay kooxdiisii hore iyo xulka Qaran Masar oo ku aadan dambiga ninkan loo haysto.

Xukuumadda uu Hogaamiyo Al Siisi, ayaa mamnuucday waxa loogu yeero Ikhwaanul Muslimiin waxaana cid kasta oo lala xiriiro uu noqdaa Argagixiso aad loo raadiyo islamarkaana aan ka safri karin dalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM

Ciidamo Mareykan ah oo Gaaray Waqooyiga Nigeria

Toddobaadkii dhammaadkiisii hore, rag hubeysan oo watay mootooyin ayaa weera…

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 07:44AM