Masar oo warqad ka dhan ah Itoobiya u dirtay golaha ammaanka UN-ka

Image

NEW YORK, US – Dowladda Masar ayaa muranka biyo-xireenka Nile waxay geystay golaha ammaanka Qaramada Midoobay, talaabo u muuqata mid ay dareenka caalamka kusoo jeedineyso xilli uu is-mariwaa jiro.

Xukuumadda Khaahira ayaa waxay ku eedeysay dhigeeda Addis Ababa in ay dhinaca iskaga leexisay dhamaan dedaaladda wadahadalka ee Mareykanku hogaaminayey, balse noqon waayey kuwa miradhala.

Inkastoo fahfaahinta warqadda oo dhan aan lala wadaagin war-fidiyeenka, Masar ayaa doodeeda waxay salka ku haysaa in biyo-xireenkan uu hoos u dhigayo saamiga ay ku leedahay Webiga.

Addis Ababa ayay ku eedeysay in ay dooneyso macaash ay ka sameyso biyaha, hase ahaatee, waxaa eedaas iska fogeysay dowladda Itoobiya.

Mashruuca biyo-xireenka oo malaayiin Doolar ay ku baxeyso, waxaa maalgelinaya Shiinaha, iyaddoo dhismaha uu haatan gabagabo ku dhow yahay.

Labadda dowladood ayaa u muuqanaya kuwa sii kala fogaanaya, iyaddoo ay isa soo tareyso cabsida laga qabo in ay isu gacan-qaadaan.

Kadib dhismaha biyo-xireenka, Itoobiya ayaa damacsan in ay koronto ka dhaliso aagaas, wuxuu noqon doonaa mashruuc balaaran oo gaara qaar kamid ah dowladaha deriska la ah Itoobiya oo ay kamid tahay Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagal Cabdi-Wali oo ku Guuleysatay Kursigii Baarlamaanka ee Keir Starmer

Sagal Cabdi-Wali ayaa si aqlabiyad leh uga guuleysatay hoggaamiyaha Xisbiga….

  • Caalamka

    09-10-2026

  • 05:45AM

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Riyadh

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in duulimaadyada ku wajahnaa garoonka Riyadh ay leexdaan.

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 11:46AM