Maxaa ka jira in Ruushka si hoose ula shaqeeyo Taliban?

Image

KABUL - Ruushka iyo ururka Taliban ayaa midba dhankiisa beeniyay hadalladii ka soo yeeray madaxa ciidamada Mareykanka ee Afghanistan ee ku aaddaanaa in xukuumadda Moscow ay taageereysay, ayna weliba hub siineysay kooxda Taliban.

Safaaradda Ruushka ee magaalada Kabul ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay hadalka jeneraalka inuu yahay mid aan runta ku saleysneyn ahna xan la dhoodhoobay.

Afhayeen u hadlay Taliban ayaa sheegay inaysan dalna ka helin wax caawinaad ah.

Afhayeenka ayaa intaa raaciyay: "Cadowgu arrintani uma hayo wax caddey ah."

Isagoo la hadlayay weriyaha BBC Justin Rowlett, ayuu jeneraal Nicholson sheegay in Ruushku uu carqaladeynayay dadaallada Mareykanka ee gobolka iyadoo uu jiro dano ay wadaagaan oo ku aaddan la dagaallanka argagixisada.

Ruushka ayaa hore u sheegay in xiriirkeeda xaddidan ee ay la leedahay Taliban looga gol leeyahay dhiirrigelinta wada-hadallada nabadda iyo hubinta ammaanka muwaaddiniinta Ruushka.

Related Articles

Xarumaha shidaalka Sacuudiga oo la weeraray maalin kadib heshiiskii difaaca ee Turkiga iyo Pakistan

Waxaan diyaarad aan duuliye lahayn ku beegsanay warshadda sifaynta shidaalka ee Aramco ee Jazan, Sacuudiga.

  • Caalamka

    09-08-2026

  • 08:56AM

Heshiiska Sacuudiga, Pakistan iyo Turkiga: Difaac cusub mise fariin istiraatiiji ah?

Si kastaba, su’aasha ugu weyn ayaa ah in heshiiskani dhab ahaan noqon doono qaab difaac wadajir ah oo wax ku ool ah.

  • Caalamka

    08-08-2026

  • 07:09PM