Muxuu yahay sharciga ay haweeneyda hogaamisa Hong Kong ka noqotey?

Image

HONG KONG -Hogaamiyaha Hong Kong Carrie Lam ayaa maalinimadii Arbacada dib uga noqotey sharci fasaxayey in dadka mucaaradka ah dib looga celiyo China. In la fuliyo talaabadaan waxay sababtey rabshado hakad galiyey isu socodka magaaladaas.

Ku dhawaaqista go'aankaan ayaa timi kadib marki Jimcihii la soo dhaafey Beijing ay diidey soo jeedanta Carlie Lam taas oo sababtey iney ku hanjabto in xilka ka tageyso hadii aan xal loo helin xaalada cakiran ee ka jirta Hong Kong.

"Rabshado ba'an ayaa waxay khatar galiyeen aasaaska nolosheena gaar ahaan sharciga iyo kala dambeynta." sidaas waxaa tiri Carlie Lam oo wajigeedu ka muuqdo murugo.

Ka noqoshada sharcigaan ayaa weli waxaa uu u baahan yahay iney ansaxiyaan golaha sharci dajinta ee Hong Kong kuwaas oo la filayo ineysan ka hor-imaaneyn Lam.

In sharcigaan laga noqdo, waxay aheyd qodobka ugu muhiimsan oo dadka mudaharaadya ay dalbanayeen iyadoo ay jiraan Afar qodob oo kale. Mudaharaadyadaan ka socdey Hong Kong asbuucyadii la soo dhaafey waxay sababi lahaayeen in nidaamka iyo kala dambeynta magaladaas faraha ka baxo iyadoo ciidamada amniga iyo dadweynaha isku baacsanayeen maalmihii la soo dhaafey suuqyada, garoomada diyaaradaha iyo goobaha laga raaco tareenada.

Dadka mudaharaadayey ayaa aad uga caroodey naxariis darada Booliiska kuwaas oo dalbanaya in la sameeyo baaris madax banaan oo degdeg ah.

Carrie Lam ayaa hadalkeeda ku sheegtey in si taxdar leh u eegi doonto cabashooyinka la soo jeediyey halka ay kulamo la qaadan doonaan bulshada qaybaheeda kala duwan.

Banaanbaxyadaan ayaa ka bilowdey Hong Kong March waxayna si balaarteen bishii June iyadoo dadku dalbanayeen madax banaani ka badan midda ay haystaan hadda. Hong Kong ayaa dib ugu noqotey dalka China 1997 kadib markii Ingriiska madaxbanaani siiyey.

Sharciga dib looga noqdey ayaa fasaxayay in dadka laga qabto Hong Kong lagu maxkamadeeyo dhulweynaha China halkaas oo ay ka howlgalaan Maxkamadaha ku dhisan nidaamka shuuciga ah iyadoo maamulkooda gacanta ku hayaan xisbiga dalkaas ka arimiya.

Cod laga duudbey asbuucii la soo dhaafey Laam kaas oo ay heshey Reuters ayaa sheegayey in islaanta madaxda ka ah maamulka Hong Kong ku catowdey ineysan haysan madax banaani ay kula hadasho dadka mudaharaadaya madaama xukuumada Beijing u aragto kacdoonkaan mid khatar ku ah amniga guud ee dalka China.

Hogaamiye-yaasha dadka banaanbaxayey ayaa waxay weli leeyihiin talaabadaan kaliya ma aha mid ku filan xal ka gaarista xaalada taagan.

"Weli waxaan sugeyna in la fuliyo Afar qodob oo kamid ah dalabkeenii. Waxaan rajeyneynaa ineysan dadku ilaawin taas," sidaas waxaa tiri Chan oo u hadleysay dhaqdhaqaaqa mudaharaadayaasha. Awooda abaabulkeenu ma aha mid hoos u dhaceysa".

Afarta qodob oo ay codsanayaan dadka mudaharaadayaasha ayaa kala ah; in isu soo baxa shacabka uusan marna noqon qodob sharci ahaan dambi ah; in dadka xiran dhamaan la sii daayo, in baaris madax banaan lagu sameeyo falalkii boolisku kaga hortagayeen banaanbaxayaasha iyo xuquuqda dadka reer Hong Kong u leeyihiin iney si dimuqoraadiyad ah u soo doortaan madaxdooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo si kulul uga hadlay weerarada ka dhacay Lubnaan

Ku dhowaad 10 qof ayaa ku dhintay falkan halka ay ku dhaawacmeen tiro ka badan labo kun ruux.

  • Caalamka

    18-09-2024

  • 10:36AM

Weerar Xooggan: Qalab Isgaarsiinta ay Hezbollah Isticmaashay oo Qarxay, Khasaare Badan oo Ka Dhashay

Sida la soo wariyey, weerarkan ayaa ka dhashay kadib markii sirdoonka Israa’iil ay farriin u direen…

  • Caalamka

    17-09-2024

  • 04:18PM