Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Image

WASHINGTON, USA — Madaxweyne Donald Trump ayaa ka difaacay Dhaxal-Sugaha Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan, su'aal ku saabsan dilkii wariyaha Jamal Khashoggi ee 2018, isagoo yiri “wax walba way dhacaan”.

Trump ayaa ku sheegay in Maxamed Bin Salman aanu mas’uul ka ahayn dilka tooska ah, isla markaana aanu ogayn waxa dhacay. Dhanka kale, Dhaxal-Sugaha Sacuudiga ayaa sheegay in dilka uu ahaa qalad, isla markaana la qaaday tallaabooyin looga hortago in xaalad la mid ah mar kale dhacdo.

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah iyo iskaashi dhanka tamarta iyo tiknoolajiyada.

Difaaca Trump ee Maxamed Bin Salman ayaa dib u soo nooleynaya muran caalami ah oo ku saabsan xuquuqda aadanaha iyo caddaaladda, iyadoo dilka Khashoggi uu weli yahay arrin xasaasi ah oo si weyn looga hadlo.

Khashoggi wuxuu ahaa wariye Washington Post maqaallo ku qora, isagoo aad u dhaliil jiray qaabka uu Maxamed Bin Salman u maamulo Sacuudiga, wuxuuna wariye ugu dambeynta ku baxay gacanta dowladda Sacuudiga, isagoo lagu dilay qunsuliyadda KSA ee Turkiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM