WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Image

GENEVA — Tirada dhimashada cudurka tuberculosis (TB) ayaa hoos ugu dhacday 3 boqolkiiba, iyadoo sanadkii 2024 gaartay 1.23 milyan oo qof, sida lagu sheegay warbixinta sannadlaha ah ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).

Warbixinta oo la soo saaray Arbacadii ayaa sidoo kale muujisay in guud ahaan kiisaska TB-ga ay hoos u dhaceen ku dhawaad 2 boqolkiiba marka la barbardhigo 2023, taasoo noqotay markii ugu horreysay tan iyo cudurka COVID-19 in dhimashada iyo kiisaska TB-ga ay yaraadaan.

Sanadkii 2024, 8.3 milyan oo qof ayaa helay daaweynta TB-ga kadib markii lagu ogaaday cudurka, iyadoo heerka guusha daaweynta uu ka kacay 68 boqolkiiba ilaa 71 boqolkiiba, sida WHO ay sheegtay.

Si kastaba ha ahaatee, WHO ayaa digniin ka bixisay in horumarkii la sameeyay uu halis ku jiro sababo la xiriira yarida kaalmooyinka maaliyadeed. Madaxa WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa sheegay in tani ay “ka laaban karto guulihii adag ee la gaaray.”

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga, taasoo aad uga hooseysa bartilmaameedkii sanadlaha ahaa ee $22 bilyan ee 2027.

“Hoos u dhaca cudurka TB-ga iyo horumarka la sameeyay ee baaritaanka, daaweynta, ilaalinta bulshada iyo cilmi-baarista waa war wanaagsan, laakiin horumarku maaha guul buuxda,” ayuu yiri Tedros.

In kasta oo dhimashada TB-ga sanadkii 2024 ay ka hooseyso 29 boqolkiiba tii 2015, WHO ayaa rajeynaysay in laga dhimo 75 boqolkiiba 2025 iyo 90 boqolkiiba 2030.

Tirada dhimashada TB-ga ayaa xitaa kordhi karta sanadaha soo socda, sida ay digniin ugu bixisay Tereza Kasaeva, agaasimaha qaybta TB, HIV iyo cudurrada la xiriira ee WHO.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM