WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Image

GENEVA — Tirada dhimashada cudurka tuberculosis (TB) ayaa hoos ugu dhacday 3 boqolkiiba, iyadoo sanadkii 2024 gaartay 1.23 milyan oo qof, sida lagu sheegay warbixinta sannadlaha ah ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).

Warbixinta oo la soo saaray Arbacadii ayaa sidoo kale muujisay in guud ahaan kiisaska TB-ga ay hoos u dhaceen ku dhawaad 2 boqolkiiba marka la barbardhigo 2023, taasoo noqotay markii ugu horreysay tan iyo cudurka COVID-19 in dhimashada iyo kiisaska TB-ga ay yaraadaan.

Sanadkii 2024, 8.3 milyan oo qof ayaa helay daaweynta TB-ga kadib markii lagu ogaaday cudurka, iyadoo heerka guusha daaweynta uu ka kacay 68 boqolkiiba ilaa 71 boqolkiiba, sida WHO ay sheegtay.

Si kastaba ha ahaatee, WHO ayaa digniin ka bixisay in horumarkii la sameeyay uu halis ku jiro sababo la xiriira yarida kaalmooyinka maaliyadeed. Madaxa WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa sheegay in tani ay “ka laaban karto guulihii adag ee la gaaray.”

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga, taasoo aad uga hooseysa bartilmaameedkii sanadlaha ahaa ee $22 bilyan ee 2027.

“Hoos u dhaca cudurka TB-ga iyo horumarka la sameeyay ee baaritaanka, daaweynta, ilaalinta bulshada iyo cilmi-baarista waa war wanaagsan, laakiin horumarku maaha guul buuxda,” ayuu yiri Tedros.

In kasta oo dhimashada TB-ga sanadkii 2024 ay ka hooseyso 29 boqolkiiba tii 2015, WHO ayaa rajeynaysay in laga dhimo 75 boqolkiiba 2025 iyo 90 boqolkiiba 2030.

Tirada dhimashada TB-ga ayaa xitaa kordhi karta sanadaha soo socda, sida ay digniin ugu bixisay Tereza Kasaeva, agaasimaha qaybta TB, HIV iyo cudurrada la xiriira ee WHO.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM