Maxaa Madaxweyne Macron ugu xirnaa muraayadaha qorraxda shirka Davos?

Image

Faransiisku waxaa lagu yaqaannaa dhanka labiska iyo muuqaalka, balse dad badan ayaa la yaabay markii Madaxweyne Emmanuel Macron uu khudbad ka jeediyay shirka Dhaqaalaha Adduunka isagoo gudaha ku xirnaa muraayadaha qorraxda.

Arrintan, sida wararku sheegeen, ma ahayn mid la xiriirta xarrago ama farshaxan, balse waxay ka dhalatay xaalad caafimaad. Macron ayaa lagu arkay isagoo xiran muraayado leh midab buluug ah oo u eg kuwa duuliyayaasha, kadib markii ishiisa midig ay ku dhacday barar iyo dhiig-bax fudud.

Madaxweynaha Faransiiska ma uusan si gaar ah uga hadlin muraayadaha intii uu khudbaddiisa jeedinayay, balse maalmo ka hor ayuu arrintan si dadban u xusay, isagoo ciidamada Faransiiska kula hadlay khudbad sanadka cusub. Wuxuu markaas raalli-gelin ka bixiyay muuqaalka ishiisa, isagoo sheegay in xaaladdu aysan ahayn mid halis ah.

Warbaahinta Faransiiska ayaa sheegtay in Macron uu la kulmay dillaac ku yimid xididdada dhiigga ee isha, xaalad loo yaqaan dhiig-bax yar oo hoosta xuubka isha ka dhaca. Dhaqaatiirta indhaha ayaa tilmaama in arrintan badanaa ay ka timaaddo cadaadis dhiig, qufac, hindhiso ama daawooyin qaarkood, isla markaana inta badan ay iskeed u bogsato muddo gaaban gudaheed.

Dhinaca siyaasadda, khudbadda Macron ee Davos waxay ka mid ahayd hadallo ay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha caalamku uga jawaabayeen mowqifyo adag oo ka imanaya Madaxweynaha Mareykanka. Macron wuxuu ka digay in dunidu u sii leexanayso jihada “nidaam la’aan,” isagoo tixraacaya hoos u dhaca ixtiraamka shuruucda caalamiga ah.

Baraha bulshada, muraayadaha Macron ayaa noqday mowduuc si weyn loo falanqeeyay. Qaar ayaa u arkay fariin siyaasadeed oo muujinaysa ad-adayg, gaar ahaan xilli ay jiraan hanjabaado ku saabsan canshuuro lagu soo rogi karo khamriga iyo champagne-ka Faransiiska, iyo hadallo la xiriira Greenland.

Dad kale ayaa ku barbardhigay Macron jilaa Tom Cruise oo doorkii duuliye badeed ka ciyaaray filimka “Top Gun,” halka qaar kalena ay xusuusteen caadadii Madaxweyne hore Joe Biden ee xirashada muraayadaha duuliyayaasha. Xafiiska Madaxweynaha Faransiiska, dhankiisa, kama bixin wax faallo ah oo degdeg ah oo ku saabsan arrintan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles