Maxaa sababay in ay guryo badan ku burburaan dhulgariirkii Turkiga?

Image
Dowladda Turkiga ayaa hadda xabsiga dhigtay 131 qof oo loo haysto dambiyo la xiriira dhismayaasha burburay.

ANKARA, Turkey - Markii uu dhulgariir cabbirkiisa dhanyahay 7.8 ku dhuftay Turkiga ayaa waxaa burburay dhismayaal aad u fara badan, waxaana ku dhintay kumanaan qof oo dhismayaashaas degenaa.

Waa wax la fahmi karo in marka musiibo caynkan ah ay dhacdo in dhismayaasha burburaan, balse waxa aan caadiga ahayn ayaa ah in dhismayaasha burburay ay yihiin kuwa cusub oo la dhisay 2 sano ka hor, kuwaas oo ay ahayd in ay iska xajiyaan dhulgariirada cabbirkooda intan dhanyahay, waa haddii la raaci lahaa sharciga dhismaha Turkiga oo la cusboonaysiiyay sanadkii 2018-kii.

Xeerkan ayaa dhigaya in shirkad ama qof kasta oo dhisanaya guri dabaq ah ay adeegsadaan qalabka dhismaha oo tayo leh, gurigana asaaskiisa ku dhisaan dhagxaanta shubka oo u adkaysan kara dhulgariir kasta oo halbeegiisa ka yaryahay 10.

Dhismayaasha qaar oo dambaska noqday ayaa la dhisay sanadkii 2019-kii, iyada oo shirkadihii dhisay ay markii hore faafiyeen in la waafajiyay xeerka dhismaha, inkasta oo ay hadda baraha bulshada ka saareen ogaysiisto iyo iidheh ay baahiyeen markii ay macaamiisha raadinayeen.

Ciladda ugu weyn ayaa la sheegayaa in ay ka timid dhanka dowladda oo dabogal iyo kormeer ku samayn weysay habka loo dhisayo dhismayaasha dhaadheer, taas oo keentay in shirkadaha ay sameeyaan wax kasta oo uu qarashka kaga yaraan karo.

Dowladda Turkiga ayaa hadda xabsiga dhigtay 131 qof oo loo haysto dambiyo la xiriira dhismayaasha burburay maadaama ay geysteen dayacaad heer qaran ah, sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka dalkaasi Fuaad Oktaay.

Qiimeyn ay dowladda samaysay dhulgariirka kadib ayaa lagu sheegay in 170 kun oo dhisme oo qiimeynta lagu sameeyay, 24 kun oo ka mid ah uu burbur soo gaaray, iyada oo sidoo kale dowladda sheegtay in wax weyn ka qaldan yihiin qaabka guryaha loo dhisay.

Tirakoobka dhimashada ayaa gaartay 29 kun oo qof iyada oo weli kooxaha gurmadka ay baadi goobayaan dad laga yaabo in ay weli ku hoos jiraan burburka ama xitaa maydad waxaana soconaya baaritaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Furriin Soo Socda? Sababta Loo Hadal Hayo Obama iyo Michelle Maalmaha

Arrimahaasi waxaa sii kordhiyey maqnaanshaha Michelle Obama ee dhacdooyin waaweyn oo dhawaanahan dhacay.

  • Caalamka

    16-01-2025

  • 05:03PM

Israel iyo Xamaas oo Gaadhay Heshiis Xabbad-joojin ah

Heshiiskan, oo ay dhexdhexaadiyeen Mareykanka, Masar, iyo Qatar, ayaa…

  • Caalamka

    15-01-2025

  • 10:21PM