Maxaa sanadkan qaali ka dhigay madaxtinimada Soomaaliya?

Image
Farmaajo, oo ah madaxweynaha waqtiga dhamaadey, ayaa wajahaya loolan aad u xooggan.

MUQDISHO, Soomaaliya – Doorashada baarlamaanka Soomaaliya ayaa wali soo jiitameysa, iyadoo maalmo kooban ay ka harsan tahay xilliga kama dambaysta ah ee loo qorsheeyay in lagu soo gabagabeeyo doorashada ee 15-ka March 2022, sida uu dhigayo heshiiskii dambeeyay ee golaha wadatashiga qaran oo cadaadis kala kulmaya xubnaha meesha Caalamka iyo Maraykanka.

Waxaana ka mid ah deegaanada lagu muransan yahay magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo, Jubbaland, halkaasi oo guddiga xalinta soo loo saaray ka soo talabixinta doorashada gobolkaas ay isku dayayeen in ay heshiis ka gaaraan goobta rasmiga ah ee lagu qabanayo tartanka todobaadkan balse aysan wali xaqiijin guulo muuqda.

Laakin iyadoo ay harsan yihiin kuraas kooban oo lagu buuxinayo 275-ta xubnood ee Aqalka Hoose, ayaa waxaa sidoo kale isa soo taraya loolanka madaxtinimo, kaasoo soo jiitay siyaasiyiin hore oo horay xilal uga soo qabtay maamulladii hore dalka.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayuu Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke sheegay inuu doonayo inuu ka mid noqdo tartanka loogu jiro xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Sharma’arke oo laba jeer ra’iisul wasaare ahaa (2009-2011 iyo 2014-2016) wuxuu sheegay inuu khibraddaas u adeegsan doono sidii uu dalka uga saari lahaa dhibaatooyinka jira.

"Dad aan lahayn dhabar mas’uuliyad lagu qaado ayuu waddanka u gacan galay oo meesha aynu taaganahay ayay na gaarsiiyeen, waa in shaqsiga uu yaqaanaa Cidda berri aad hiilada uga baahan tahay, Khibraddu wax sahlan ma aha," ayuu yiri Cumar Cabdirashiid Sharma’arke hoosta ka xariiqay.

"Haddii la ii doorto madaxweyne, waxaan ku shaqeyn doonaa waayo-aragnimadii baaxadda lahayd ee aan kasbaday intii aan xilalka kala duwan u soo qabtay qaranka si aan Soomaaliya ugu hoggaamiyo xasillooni siyaasadeed, mid bulsho iyo mid dhaqaale," ayuu yiri Sharma'arke oo wareysi siiyay bogga Hanoolaato.

Sharmaarke waxa uu sidoo kale ahaa safiir u fadhiya Soomaaliya ee Maraykanka. Ku biiristiisa tartankana waxay la macno tahay in ay jiri karaan ugu yaraan laba ra'iisul wasaare oo hore oo kursiga doonaya, oo la tartamaya madaxdoodii hore. Madaxiisii hore, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku jira tartanka.

Iyadoo Madaxweyne Maxamed Farmaajo uu u taagan yahay inuu difaaco kursigiisa, ayaa waxaa sidoo kale musharaxiinta ka mid ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xasan Cali Kheyre oo xilligii Farmaajo ku in ka badan seddex sano ahaa wasiirka 1aad ee xukumadda.

Marka loo eego doorashada madaxtinimo ee dadban ee Soomaaliya, kalfadhi wada jir ah oo ay isugu imaanayaan 54 senator ee Aqalka Sare iyo 275 xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka (oo loo yaqaan Aqalka Hoose) ayaa loo qoondeeyay in ay cod qarsoodi ah ugu codeeyaan madaxweyne.

Taariikhda waxaa la ogaan doonaa marka dhammaan kuraasta baarlamaanka la qabto. Balse farsamayaqaannada Soomaaliyeed ayaa sheegay inay doonayaan inay la wareegaan siyaasiyiinta, isla markaana ay saxaan khaladaadkooda.

"Waan garanayaa halka dhibku ka jiro," ayuu yiri Jamaal Axmed, oo ah diblumaasi hore oo ka soo shaqeeyay urur goboleedka IGAD. “Soomaaliya waxaa ka maqan xusuusta hay’adaha dowladda marka waa in aan wax badan dhegeysanaa odayaasheenna".

"Si aan dadkeena u heshiisiinno, waa in aan eegno quwadeenna maskaxeed, taas oo ku jirta odayaashayada. Waxay garanayeen sida loo xalliyo khilaafaadka,” ayuu u sheegay The EastAfrican.

"Waxaan u baahanahay inaan maskax wanaagsan u keeno hogaaminta. Nimanka wanaagsan ee Soomaaliya ma aha kuwo si iskaa wax u qabso ah u hoggaamiyo, waana nasiib darro. Ma afuufi doono buunka laakiin waxaan leeyahay khibrad wanaagsan iyo xusuusta hay'ad si ay gacan uga geysato xallinta dhibaatooyinkayaga," Axmed ayaa yiri. Waxa uu ku dhawaaqay musharaxnimada bilowgii March.

Farsamo-yaqaanka kale ee isha ku haya xilliga ay doorashada Soomaaliya ku dhowdahay inuu sii dhammaanayo, waa Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Maxamed C/risaaq oo Isniintii shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo oo 750km dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inuu doonayo inuu u tartamo xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Kahor shirka jaraa’id, C/risaaq oo soo noqday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ilaa bishii November 2021, waxa uu la hadlay odayaal badan oo beeshiisa ka soo jeeda, isagoo ka dalbaday inay ogolaadaan inay ka caawiyaan sidii uu u heli lahaa codadka 101-ka ergo ee go’aamin doona qofka noqonaya xildhibaanka. isagoo jufada u matalay kursigiisii deegaan ee ku suntan HOP#199.

Wuxuu u sheegay odayaashiisa: "Waxaan ku kalsoonahay inaad dhammaantiin taqaaniin taariikhdeyda, aqoon ahaan iyo siyaasad ahaan, anigoo ku qiyaasaya inaad igu aamini kartaan inaan noqdo wakiilkiina ugu wanaagsan ee golaha sharci dejinta".

C/risaaq wuxuu ku celceliyay in 2016 uu ahaa musharax madaxweyne (tartan uu ku guuleystay madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaadey ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo).

Dhammaan 54-ka mudane ee Aqalka Sare waxaa soo doortay baarlamaannada maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka intii u dhaxeysay bilihii July iyo October 2021 halka 220 xildhibaan la doortay tan iyo 1-dii November 2021. Toddobaadkan waxaa dhiman 55 xildhibaan oo kaliya ergada beelaha ay ka soo jeedaan.

Caqabadaha degdega ah ee Farmaajo, si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa inay noqdaan xubnaha Isbaheysiga (Mucaarad) gollaha midowga Musharaxiinta Madaxweynaha – CPC.

Ilaa hadda, in ka badan labaatanka siyaasi ee miisaanka culus leh oo ay ku jiraan labadii madaxweyne ee hore, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, Ex-Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa midaysan.

Xubnaha kale ee CPC ka tirsan ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur oo toos u naqdiya maamulka Farmaajo, Warsame waxa uu soo noqday Wasiiro hore.

Cali Cismaan Limbo, oo ah Falanqeeye ayaa rumeysan in maalmaha midnimada Midowga Musharaxiinta ay tirsameyso. Limbo waxa uu aaminsan yahay in ay ku midaysan yihiin oo kaliya in ay si wada jir ah ula loolamaan Farmaajo oo aanay waxba ka jirin.

"Mar kasta oo ay doorashadu muuqato, waxaa caado u ah in mucaaradka Soomaaliya ay sameystaan koox ka hortimaada mas'uulka xilka haya," ayuu yiri Limbo, isagoo intaas ku daray in isbaheysigaas uu baaba'o marka ay soo dhawaato codeynta. Tani waxay kala cadaan doontaa marka ay soo dhamaato xulista mudaneyaasha Aqalka Hoose oo waqti xaadirkan ku dhowaad 80% la doortey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM