Maxaa xiga mamnuucida Mareykanka ee shidaalka Ruushka?
WASHINGTON, USA – Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa si degdeg ah u mamnuucay shidaalka Ruushka iyo tamarta kale ee laga keeno dalkaasi, isagoo ka aargoosanaya duulaanka Ruushka ee Ukraine, halka Boqortooyada Ingiriiska ay sheegtay inay joojin doonto soo dejinta dhamaadka 2022-ka.
Cunaqabateyntii ugu dambeysay waxay u badan tahay in ay sare u qaaddo qiimaha saliidda - taasoo keentay xitaa qiimaha sare ee bamka.
Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday mamnuucida saliidda Ruushka, taasoo qeyb ka ah mamnuucid ballaaran oo ay ku jiraan gaaska dabiiciga ah iyo dhuxusha.
" Saliida Ruushka mar dambe lagama aqbali doono dekedaha Mareykanka, dadka Maraykankuna waxay dharbaaxo kale oo xoog leh ku dhufan doonaan mashiinka dagaalka ee Putin," ayuu yiri Biden Talaadadii, isaga oo intaa ku daray in go'aanka la qaatay "iyadoo lala tashanayo" xulafada.
Ruushka waa dhoofiyaha ugu sarreeya adduunka ee badeecadaha cayriin iyo saliidda marka la isku daro, oo soo saara qiyaastii 7 milyan oo barmiil maalintii (bpd), ama 7 boqolkiiba sahayda caalamiga ah.
Sannadkii 2021, Maraykanku waxa uu ka soo dhoofsaday celcelis ahaan 209,000 bpd oo saliid ceyriin ah iyo 500,000 bpd oo batroolka kale ah oo laga keenay Ruushka, sida uu qabo ururka ganacsi ee Soosaarayaasha Shidaalka iyo Batroolka ee Maraykanka.
Tani waxay ka dhigan tahay 3 boqolkiiba saliida ceyriinka ee Maraykanka iyo 1 boqolkiiba wadarta saliida ceyriinka ee ay farsameeyaan sifeynta Maraykanka. Dhanka Ruushka, tani waxay ka dhigan tahay boqolkiiba 3 wadarta guud ee dhoofinta.
Sida laga soo xigtay falanqeeyayaasha, mamnuuciddu waa wax uu Maraykanku awoodi karo inuu sameeyo.
Qiimaha sarrifka ee hadda jira awgeed, "Mareykanku wuu awoodi karaa taas, [laakiin] aad ayey ugu adkaan doontaa qaaradda Yurub," Cornelia Meyer, oo ah madaxa fulinta ee Meyer Resources, ayaa sidaasi sheegtay.
Marka la eego wadarta guud ee Ruushka u dhoofiyo Mareykanka, "sidoo kale ma ahan mid muhiim ah," ayuu yiri Meyer.
"Laakin waxa tani ay muujinayso in uu jiro xal laga gaaray xulafada reer galbeedka, haddii Yurub ay raacdo, aad bay muhiim u noqon lahayd," ayay tiri, iyadoo raacisay in Shiinaha iyo Hindiya ay u badan tahay inay iibsadaan saliidda Ruushka ee laga weeciyo Galbeedka.
Rajada mamnuucista ayaa hore uga dhigtay qiimaha saliidda 30 boqolkiiba bishii hore, iyadoo qiimaha saliidda uu kor u kacayay ilaa $130 foosto iyo gallon (4.5 litir) oo gaasta caadiga ah lagu iibinayo celcelis ahaan $4.17 Talaadadii gudaha Mareykanka.
Falanqeeyayaasha tamarta ayaa ka digaya in qiimuhu uu kor u dhaafi karo ilaa $160 ama xitaa $200 foosto haddii iibsadayaashu ay sii wadaan in ay iska ilaaliyaan ceyriinka Ruushka, taasoo horseedaysa qiimaha batroolka Mareykanka in ka badan $5 gallon.
"Suuqyadu waxay ku socdaan welwel iyo cabsi, hadda waxaa jirta cabsi badan," Adam Pankratz, oo ah borofisar wax ka dhiga Iskuulka Ganacsiga ee Sauder ee Jaamacadda British Columbia, ayaa cadeeyay.
"Cabsida ayaa ah in haddii aan la heli karin saliid, xaggee ka imaanaysaa?. haddii aad taas ku samayso suuq horeba aad u ciriiri ahaa dalabka [iyo qiimuhu] wuu kor u kacayaa,” ayuu yiri.
Saamaynta ugu dhakhsaha badan waxay noqon doontaa sicir-bararka. Maraykanku waxa uu hadda ku socdaa sicir bararkii ugu sarreeyay muddo 40 sano ah, xogta la soo saari doono Khamiista ayaa la filayaa inay muujiso Tusaha Qiimaha Macaamiisha oo kor u kacay 7.9 boqolkiiba.
Tani waxay ku yeelan kartaa cawaaqib xumo heer nololeedka Mareykanka. Su'aashu waxay tahay: "Mareykanku ma halis ayuu ugu jiraa inuu ka dhammaado shidaalka mise qaab nololeedka Mareykanka ayaa khatar ku jira?" Pankratz ayaa yiri.
GAROWE ONLINE