Maxaad Kala Socotaa Xiliga Dayaxu U Ekaanayo Midabka Dhiiga?

Image

Waxaa dhacaya maalinimada Jimaca iyo Sabtida dayax madoobaadkii ugu dheeraa kasoo laga arki doonaa inta badan qaaradaha aduunka

Dayax Madoobaadkaan ayaa waqtiga uu soconayo waxaa lagu tilmaamey inuu yahay kii ugu dheraa qarnigaan iyadoo la filayaa inuu dhaco habeenimada Jimacaha ilaa subaxnimada Sabtida July 27-28, 2018, Dayaxa waxaa kuligiis daboolaya meeraha dhulku muddo Hal saac iyo 43 Daqiiqo ah. Dayax madoobaadka ayaa yimaada marka dhulku kala dhexmaro qoraxda iyo Dayaxa, kaasoo Har noqonaya gabi ahaantiis ama qayb kamid ah.

Qorax madoobaad-ka ayaa ka badan in dhulka kala dhexmaro labadaan meereysane (Dayaxa & Qoraxda), Dayax madoobaad walba waxaa laga arkaa in kabadan kala bar dhulka.

Madaama Dayax madoobaadkaan uu yahay mid aan inta badan dhicin, madada uu socanayo darteed ayaa habeenimada Jimacaha intiisa badan mugdi ahaanaya madaama Dayaxu dhaafayo bartamaha dhulka oo intiisa badan habeen ah.

Halka iyo waqtiga la arki karo

Meelaha ugu wanaagsan oo si fiican looga arki karo dayax madoobaadkaan waa barriga Afrika, Bariga dhexe, India dhamaanteed iyo dhul ku yaal cirifka dalka China. Balse meelo kamid ah Afrikada kale ayaa si wanaagsan looga arki karaa, Yurub halka meelaha kale lagu sheegey Asia, Austrlia iyo dhulka geeska ku yaal koonfurta America.

Austrlia: Dayaxa inuu noqdo Guduud waxaa uu bilaamaya 4:30 am AEST subaxnimada Sabtida, iyadoo madoobaadku soconayo muddo u dhexysa 5;30 ilaa 6:30.

UK: Qayb madoobaadka Dayaxa kamid ah waxaa la arkayaa 8:30pm fiidnimo, Dayaxana waxaa uu ka muuqanayaa Koonfur- Barri ilaa inta laga gaarayo 10:13pm.

Barriga Afrika: Qayb kamid ah Dayax madoobaadka waxaa uu bilaamayaa 9:30pm fiidnimo, isagoo gabi ahaan isu badalaya Guduud inta u dhexysa 10:30pm ilaa 12:13am. Gobolkaan ayaa la sheegey inuu yahay halka u wanaagsan oo si fiican looga arki karo Dayax madoobaadkaan. 

India: Dayax madoobaadkaan ayaa dalkaan ka bilaamaya 1am, waxaa uu dhamaanaya 2:43am.

GAROWE ONLINE+WAKAALADAHA

Related Articles

Maraykanka oo kordhiyey joogitaankiisa ciidan ee Bariga Dhexe, iyadoo cadaadis lagu saarayo Iran

Warqad ay Iran u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayay ku sheegtay inaysan…

  • Caalamka

    20-02-2026

  • 11:40AM

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM