Maxamed Cali Kalaay oo la aasay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Waxaa magalada Louisville ee dalka Maraykanka lagu aasay ALLAHA u naxariistee Maxamed Cali Kalaay oo Jimcihii hore geeriyooday, waxaana aaskiisa kasoo qayb galay kumaan ruux oo ay ku jiraan hoggaamiyayaasha dunida, saaxiibo iyo qaraabo.

Salaadda janaasada ayaa waxaa dadka ka bixiyay, Zaid Shakir, oo ah imamka gobolka Californian, isla markaana garab joogay Muxamed Cali marka ay nafta ka baxaysay.

Waxaa salaadda Janaazada oo khamiistii lagu tukaday kasoo qayb galay qaar kamid ah hogaamiyaasha dalalka Muslimka ah sida Turkiga iyo Jordan.

Aaska maanta dhacay, waxaa sidoo kale joogay kumanaan Muslimiin ah kuwaasi oo u duceeyay marxuumka kolkii la aasay.

ALLAHA u naxariistee Maxamed Cali Kalaay ayaa ahaa feeryahan dunida caan ka noqday  kaas oo muddo saddex jeer ah ku guulaystay suunka horyaalka feerka culus, waxaa uu sidoo kale u ololeyn jiray xuquuqda bini aadamka.

Maxamed Cali ayaa lagu xasuustaa siduu ugu dhaganaa diinta Islaamka islamarkaana ugu sheegi jiray goobaha fagaaraha ee dadku isugu yimaadaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM

Ra'iisul Wasaaraha UK oo ka hadlay cadaadiska canshuuraha Trump iyo mowqifka Greenland

Starmer, oo ay garab taagnaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yvette Cooper iyo Wasiirka Maaliyadda Rachel Reeves.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 09:36AM