Muslimiinta Faransiiska oo dacwaynaya Facebook iyo YouTube

Image

PARIS, France – Gollaha Muslimiinta Faransiiska ayaa u dacwaynaya Facebook iyo YouTube muuqaalka toogashadii labada Masji ee New Zealand, 15-kii bishaan Maaj.

Sidda ku cad cabashada laga gudbiyay labadaasi shirkadooda, waxaa lagu haystaan fal-celin liidata oo ay durbadiiba ka bixiyeen xasuuqii Christchurch.

Inta la xaqiijiyay 50 Muslimiin cibaadeysanaysay ayaa lagu laayay dhacdadaasi oo gil-gishay guud ahaan caalamka oo idil, abuurteyna midnimo ka dhan ah argagixisada.

Axmed Ogras, madaxwaynaha Gollahaasi ayaa u sheegay Tv-ga CNN in ay ashtakadooda ay salka ku hayso in Facebook aysan dhaqsiyo ah u saarin muuqaalka.

"Waa in ay qaataan mas'uuliyada tani, oo ay sameeyaan wax kasta oo ay ku xakameynayaan fariimaha ka dhanka ah Muslimiinta," ayuu yiri Axmed

Abdallah Zekri, madaxwaynaha Xarunta ka hortaga Islaam-naceybka, oo qayb ka ah Gollahaasi, ayaa ku tartarsiiyay shirkada in aysan soo laaban ficiladaasi.

Marka laga hadlo sharciga Faransiiska, kiisaska noocaan oo kale waxaa loogu xukumay eedaysanayaasha saddex sano oo xarig ah iyo $85,000 oo ganaax ah.

Facebook iyo YouTube ayaa diiday dalab ku aadan ay ka jawaabaan dacwada laga gudbiyay, balse horey muujiyay in ay ka qoomamameynayaan wixii dhacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiska Is-afgaradka Mareykanka iyo Iiraan: Maxaa ku jira, maxaase weli mugdi ku jira?

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob, isla markaana aan aad u dheereyn, ayaa diiradda…

  • Caalamka

    18-06-2026

  • 12:48AM

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM