Maxay salka ku haysaa booqashada bin Zayed ku tagayo Turkiga?
ABU DHABI- Dhaxal sugaha Imaaraatka Carabta ayaa shalay ku casuumay safiirka Turkiga kulan gaar ah, taasoo calaamad kale u ah xiriirka u dhaxeeya Ankara iyo Abu Dhabi oo soo hagaagaya.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Tweeter-ka Tugay Tuncer ayuu ku yiri “Sharaf bay ii aheyd in Sheekh Mohammed bin Zayed ugu casumo qasrigiisa, waxaan u arkaa talaabadaas niyad-wanaagga ay ii muujiyeen madaxda iyo shacabka Imaaraadka Carabta mid xaqiijinaysa xiriirka u dhexeeya labada dal, waana ka mahadcelinayaa.
Martiqaadkan ayaa yimid toddobaad ka hor inta aanu bin Zayed booqan Ankara toddobaadka soo socda, taasoo noqonaysa booqashadii ugu horreysay ee Amiirka leh dhaxalka Imaaraadka muddo toban sano ah ku tago dalkaas. Kulanka uu Bin Zayed la yeeshay Tuncer ayaa astaan wanaagsan u ah in dalka Imaaraatku muhiimad gaar ah siinayo Xirirrka Turkiga.
Wanaajinta xiriirka labada dal ayaa timi ka dib sanado badan oo colaad u dhaxeysay Abu Dhabi iyo Ankara, taasoo Turkiga uu ku taageeray dibad-baxyadii shacabka iyo dhaqdhaqaaqyadii kacdoonka Carabta, halka Imaaraadku uu isku dayay inuu wiiqo danaha Turkiga iyo xulafadiisa Liibiya iyo Suuriya.
Ankara waxa ay sidoo kale Abu Dhabi ku eedaysay in ay ku lug lahayd afgambigii la isku dayay 2016-kii, taas oo keentay in uu xumaado xiriirka labada dal. Turkiga ayaa qaadacey badeecadahii ka imaanayey qaar ka tirsan dalalka Khaliijka sida Imaraadka iyo Sucuudiga.
Booqashada Amiirka dhaxalsugaha ah ayaa la filayaa inay noqoto "bilawga waa cusub", sida ay saraakiisha Turkiga sheegeen. Waxa kale oo ay timi saddex bilood ka dib markii walaalka dhaxal-sugaha ah, lataliyaha amniga qaranka ee UAE, Tahnoun bin Zayed, uu la kulmay Erdogan bishii Ogosto, wadahadal ku saabsan maalgashiga cusub ee Imaraadka ee Turkiga, kaas oo la sheegay inuu qorsheynayo ilaa 10 bilyan oo doolar iyo ka badan.
Horaantii bishaan, Imaaraatka Carabta ayaa sidoo kale Turkiga siiyey 10 milyan oo doolar si ay uga qeyb qaataan dib u dhiska goobo ku baa’bay dabkii xagaagaan qabsadey qaybo kamid ah dalkaas.
GAROWE ONLINE