Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Image

Copenhagen — Salma Naddaf, oo ah TikToker-ad ugu caansaneyd dalka Denmark, ayaa shaacisay inay ka guurtay Yurub kadib go’aan ay ku sheegtay inuu salka ku hayo arrimo lid ku ah qiyamkeeda oo ay ka aragtay deegaanka ay carruurteedu ku korayeen.

Salma Naddaf, 36 jir ah, oo leh in ka badan 10 milyan oo qof ku taxan tahay baraheeda bulshada, isla markaana TikTok-ka keliya ay kaga xiran yihiin ku dhowaad 3 milyan, ayaa muuqaal shucuur leh ku faahfaahisay sababta ay uga guurtay Yurub. Sida ay sheegtay, go’aankeeda waxaa sabab u noqday kadib markii ay aragtay calamada Qowma Luudka oo lagu soo bandhigay dugsiyada ay carruurteedu dhigtaan. Calankaas ayaa leh midabka qaanso-roobaadka.

Waxay tiri in arrimaha aqoonsiga jinsiga ee Yurub aysan hadda ku ekeyn doorasho shakhsi ah, balse loo gudbiyay heer waxbarid iyo ku khasbid bulsho, arrintaas oo ay ku tilmaantay mid aan la jaanqaadi karin qiyamka qoyskeeda.

“Ka tagista dad aan la noolaa 11 sano ma ahayn mid fudud,” ayay ku sheegtay muuqaalka oo helay malaayiin daawasho. “Laakiin waxaan hubay in carruurtaydu aysan ku kori karin meel leh dhaqan iyo caadooyin ka duwan kuwa aan rumaysanahay.”

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo ay ka soo qaxday 11 sano ka hor, xilligii dagaalka sokeeye. Shantii sano ee u dambeysay, waxay caan ku noqotay soo saarista muuqaallo af-Carabi ah oo ay kula wadaagto farsamooyin gacmeed iyo qurxin guri, badankoodna ay ku sameyso iyadoo carruurteeda la joogto.

Warbaahinta qaar oo la xiriirtay Salma Naddaf, ayaa sheegtay in dhammaadka muuqaalkeeda ay ku muujisay mahadnaq ay u hayso Yurub, gaar ahaan casharrada ay ka baratay dulqaadka iyo ixtiraamka dadka kala duwan, “iyadoon loo eegin nooc ama diin.”

Si kastaba ha ahaatee, waxay ku adkeysatay in go’aankeeda ay ugu laabatay Suuriya uu yahay mid ay u aragtay mid muhiim u ah mustaqbalka carruurteeda.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM