Maxbuus u dhashay Pakistan oo dhagax lagu dilay gudaha Xabsi ku yaalla India

Image

Maxaabiis reer India ah ayaa maanta oo Arbaco ah dhagax ku dilay maxbuus u dhashay Pakistan, kaasi oo ku jira xabsi ku yaala bartamaha magaalada Jaipur ee gobolka Galbeedka dhaca ee Rajasthan.

Kapil Garg, agaasimaha guud ee bileyska gobolkaasi, ayaa u sheegay wakaalada wararka AFP in dilka maxbuuska oo uusan shaacin magaciisa uu ka dambeeyay markii ay wada murmeen.

Wasaarada arrimaha dibada Pakistan oo arrintaan uga hadashay war qoraal ah oo ay soo saartay ayaa sheegtay in ay aad uga walwalsan yahay dilka maxbuuska oo ay tilmaamtay magaciisa Shakir Ullah.

Dhacdaan ayaa kusoo aadaysa iyada oo ay cirka isku sii shareerayso xiisad ka dhalatay weerar ismiidaamin oo ka dhacay qaybta ay India ka maamsho gobolka Kashmir, halkaasi oo looga dilay 40 askari.

Weerarkaasi oo ay sheegteen xoogaga Jaish-e-Mohammed ee fadhigooda yahay Pakistan ayey Hindiya ku eedaysay dariskooda oo iska fogeeyay, taasi oo keentay in ay ugu yeertaan safiiradooda.

India iyo Pakistan – labadooda – qayb ayey ka maamulayaan gobolka Kashmir, waxaana ka taagan halkaasi colaad qaraar tan iyo markii ay xorriyadooda ka qaateen Ingiriiska sanadku marka uu ahaa 1947.

Maxbuuska la dilay oo muddo 8-sano ah ku jiray xabsiga oo loogu xukumay xabsi daa’in ah ayaa lasoo xiray bishii May ee sanadkii 2013-kii, markaasi oo lagu qabtay weerar lagu soo qaaday xabsi India ay maamusho oo Kashmir ku yaalla.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabsi dagaal oo ka taagan Buurhakaba kadib khilaaf ka dhex qarxay maamulka Koonfur Galbeed

Wararka laga helayo gudaha degmada ayaa sheegaya in xiisadda sii kordheysa ay dhalin karto iska horimaadyo hubeysan.

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 02:13PM

Saameynta Safarka Trump ee Shiinaha: Maxaa laga filan karaa?

Maalgashadayaasha caalamiga ah, ayaa ka walwalsan in haddii lagu heshiis waayo canshuuraha cusub.

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 11:10AM