Maxkamad ku taala UK oo 14-sano oo xarig ku riday wiil Soomaali ah

Image

LONDON, UK – Maxkamad ku taala magaaladda Croydon ee waddanka Ingiriiska ayaa maanta oo Khamiis ah waxay 14-sano oo xarig ah ay ku ridday wiil Soomaali ah oo magaciisa lagu tilmaamay Yuusuf Cali.

Cali ayaa lagu eedeeyay in uu haweenay 18-sano jir ahayd kasoo tuuray balakoonka dabaqa afaraad ee dhisme ku yaala caasimadda boqortooyadda UK ee London, bishii August.

Sidda laga soo xigtay majaladda The Independent, dhacdadaas ayaa ka dambeysay markii haweenayda ay ku gacan-sayrtay dalab kaga yimid Cali kaasoo ahaa in ay gogol-dhaaf sameeyaan.

Haweenayda ayaa ka jabtay dhabarka iyo qoorta, sidda ku xusan warbixinta, oo tibaaxday in labadooda aysan is-aqoon.

Xukunsanaha ayaa la xusay in uu gacan ka hadal bilaabay markii haweenayda ka diidey codsigiisa. Isla goobta wuxuu ku dhaawacay laba qof. Booliska ayaa qabtay isagoo isku dayey in uu baxsado.

Markii maxkamad lasoo taago, wuu beeniyey eedeymaha loo jeediyey. Markii la tusay muuqaal laga duubay, wuxuu qirtay dambiga. Balse, waxaa lagu waayey in uu damacsanaa in uu dil geysto.

Xeer-beegtada ayaa sheegtay in tobano sano oo kamid ah xukunka lagu ridday loo cuskaday dhibaatada uu ku kacay. Inta kale, waxaa lagu saleeyay burcadnimo iyo shati uusan u haysan gaarigiisa.

Sikastaba, dalka Ingiriiska ayaa kamid ah wadamada reer Galbeedka ee ay ku nool yihiin jaaliyadaha ugu badan ee Soomaalida. Dhalinyaradda waxay inta badan ku lug-yeeshaan xaalada fool xun oo noocaan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Elon Musk kadib markii uu dhisay xisbiga cusub ee "American Party"

Muranka ka dhashay miisaaniyadda qarashka dowladda ayaa sababay kala fogaansho weyn oo u dhexeeya Trump iyo Musk.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 05:49AM