Maxkamad xukuntay Soomaali turjumaan u ahaa FBI-da Mareykanka

Image

WASHINGTON, US – Maxkamad heer federaal oo ku taala Virginia ayaa turjumaan FBI-da ka tirsanaa hal sano oo dhaqan-celin ugu xukuntay in uu qariyey xiriir uu la yeeshay la tuhunsaneyaal argagixiso.

Cabdirisaaq Wehliya, 68-jir Soomaali ah oo degan Burke, Va. kaasoo November qirtay dambi ah in uu warbixin been ah bixiyey, ayaa la amray in uu bixiyo aduun lacageed kun Doolar oo ganaax ah.

Eedeymaha loo haysto ayaa la xiriira dad ay xeer-beegti amartay in la dhageysto telefoonadooda oo Wehliye uu turjumay.

Xukunsanaha ayaa xiligaas iska fogeeyay in uu wax xiriir la leeyahay qof uu magaciisa ku sheegay "UM" markii la hor-dhigay codka wada sheekeysi dhexmaray labadooda oo uu turjumay.

Wallow uu xusay in aysan si wanaagsan isu aqoon, Baareyaasha ayuu kolkii dambe u sheegay in shaqsigaas oo rag ahaa ay wada sheekeysanayeen tan 2010-kii.

Dacwad-oogeyaasha ayaa ku adkeystay in falkaas oo dhacay sanadkii 2016 uu Wehliye u sameeyay "si ola kac ah" iyagoo meesha ka saarey in uu ka ahaa "khalad".

Ruuxa lagu qabtay isagoo wada sheekeysi la yeelanaya ayaa muddo ku noolaa Mareykanka isla markaana uu mar isku dayey in uu u socdaalo Soomaaliya si uu kaga mid noqdo maleeyshiyaadka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM