​Maxkamadda ICC oo baaraysa tacadiyadda dalka Burundi

Image

Maxkamada Caalamiga ICC ee fadhigeedu tahay magaalada The Hague ee dalka Holland, ayaa sheegtay inay baarayso tacadiyada ka dhacay dalkaasi kadib doorashadii uu ku guulaystay madaxweyne Pierre Nkurunziza.

ICC, ayaa tilmaamay in dalkaasi ka dhaceen tacadiyo isugu jira; dil, dhac, kufsi iyo xarig sharci darro ah, waxayna intaasi raacisay in sharci la horkeeni doono cid kasta oo falkaasi ku lug yeelata.

Madaxweyne Nkurunziza,ayaa laga cabsi qabaa inuu arrimahaasi ku lug yeesho, waxaana lagu eedaynayaaa inuu ku xad gudbay dasturka dalkaasi islamarkaana uu doorashadii dhacday ku shubtay.

Mucaaradka Burundi, ayaa kasoo horjeestay natiijadii kasoo baxday doorashadii dalkaasi ka dhacday, waxaana xilligaasi ka dib bilowday qalalaasooyin u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo shacabka waddankaasi.

Dhawaan Maxkamadan, ayaa dambiyo ku weyday madaxda dalka Kenya kuwaasi oo lagu eedeeyay dhibaatooyin dhacay xilligii doorashada dalkaasi 2007.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM

Ra'iisul Wasaaraha UK oo ka hadlay cadaadiska canshuuraha Trump iyo mowqifka Greenland

Starmer, oo ay garab taagnaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yvette Cooper iyo Wasiirka Maaliyadda Rachel Reeves.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 09:36AM