Maxkamadda ICC oo joojisey baarista dambiyadii dagaalka ee Darfur

Image

December 13, 2014 (GO)- Dacwad oogaha maxkamadda caalamiga ah ee ICC ayaa sheegtay inay joojisey baaritankii lagu waday dambiyadii dagaalka ee laga geystey gobolka Darfur ee dalka Sudan.

Fatou Bensouda ayaa sababta ay go'aankan isaga ah u qaadatay waxay ku micneysey kadib markii kiisaska Darfur taageero ku filan looga waayey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Bensouda ayaa sidoo kale sheegtay in aamusnaanta Golaha Ammaanku dhiirigelin u noqon doonto dembiileyaasha islamarkaana boqolllaal dumar ah oo la faraxumeeyey xuquuqdooda sharciga ah heli doonin.

Sanadkii 2009, ICC-du waxay dembiyo dagaal kusoo eedeysey Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-bashiir, inkastoo uu diidey inuu maxkamadda kasoo hor muuqdo.

Go'aanka lagu joojiyey baarista dembiyadii dagaalka ee laga geystey Darfur wuxuu kusoo aadayaa asbuuc kadib markii maxkamadda caalamiga ah ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ay laashay dacwadihii loo haystey Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Netanyahu uga digay joogitaanka ciidamada Israel ee Suuriya iyo Lubnaan

Warbixinta ayaa sheegtay in intii lagu jiray wada hadal telefoon oo dhex maray labada hoggaamiye Khamiistii la soo dhaafay.

  • Caalamka

    14-07-2026

  • 06:52PM

Mareykanka oo Duqeeyey 140 Bartilmaameed oo ku Yaalla Iran

Dhanka kale, Iiraan ayaa la sheegay inay jawaab ahaan weerarro ku qaaday Baxrayn, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    13-07-2026

  • 09:44AM