Maxkamadeyn buuq dhalisay oo ka bilaabaneyso Greece

Image
Shaqsiyaadka la maxkamadeynayo waa shaqaale samafal oo caawiyey qaxooti balse eedeymo kale loo jeediyey.

WASHINGTON, USA - In ka badan labaatameeyo shaqaale gargaar ah ayaa maxkamadeyn lagu bilaabay ayaga oo la xiriirinayo doorkii ay ku lahaayeen caawinta dad soo galooti ah oo gaaray Giriiga intii u dhaxeysay 2016 iyo 2018.

Eedaysanayaasha ayaa wajahaya eedaymo fara badan, oo ay ku jiraan basaasnimo, been abuur iyo isticmaalka qaylo-dhaanta raadiyaha, wallow qareenadooda ay gaashaanka ku dhufteen eedeymahaas.

Hay’adaha u dooda xuquuqul Insaanka ayaa dhaleeceeyay dacwadan oo ay ku tilmaameen mid siyaasadaysan waxayna Amnesty International ku tilmaantay eedaymahan kuwo "fog-fool ah".

Lesbos, oo ah jasiiradda xudunta u ah xasaradaha socdaalka, ayaa martigelin doonta maxkamadda. Haddii dambi lagu helo waxay wajihi doonan xabsi shan sano ah.

Nils Muižnieks, oo ah agaasimaha xafiiska gobolka Yurub ee Amnesty International, ayaa bayaan uu soo saaray ku yidhi: "Dacwooyinka ay wajahayaan waa kuwo been abuur ah oo aan waligood ahayn in maxkamad la soo taago".

"Kiiskan astaanta u ah wuxuu muujinayaa ilaa iyo inta ay mas'uuliyiinta Giriigga ka celinayaan dadka inay caawiyaan qaxootiga iyo muhaajiriinta. Joojinta hawlaha samatabbixinta kama joojinayso dadka inay galaan safarro khatar ah, waxay si fudud uga dhigaysaa safarradaas kuwo aad khatar u ah," ayuu raaciyay.

Maxkamadeyntan ayaa timid xilli xukuumadda muxaafidka ah ee Giriiga oo uu hoggaamiyo Kyriakos Mitsotakis ay cadaadis ku saartay hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha in ay xadidaan tirada dadka soo galootiga ah ee dalkeeda galaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM