​Maydka Maxamed Cali oo la geeyay Louisville

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Allaha u naxariistee, Maxamed Cali, ayaa meydkiisa la geeyay  magaalada uu ka soo jeedo Louisville ee isla dalka Mareykanka oo ah meeshii uu ku dhashay, waxaana maalinta Jimcaha lagu aasi doonaa halkaas.

Aaska Maxamed Cali Kalaay, ayaa u dhici doono qaab waafaqsan diinta Islaamka iyadoo ay ka qeybgali doona dad heysta diimo kala duwan.

Dhimashadiisa ayaa laga dareemay goobo badan oo Caalamka kamid ah waxaana tan iyo markii la shaaciyay inuu geeriyooda baraha bulshada iyo goobaha lagu kulmo lagu faafinayay taariikh nololeedkisa.

Kalaay ayaa ahaa Muslim aad ugu dhagan diinta Islaamka, wuxuuna meelaha fagaaraha ah ka faafin jiray diinta Islaamka isagoo aan ogolaan jirin in wax laga sheego.

Feeryahanka saddex mar ku guulaystay horyaalka Feerka culus ee dunida ayaa u geeriyooday cudur ka haleelay sambabada isagoo muddooyinkii dambe ahaa bukaan socod la ildaran canuunkaasi, lalleemo iyo codkoo xirmay.

Aaskiisa ayaa la filayaa inay kasoo qayb galaan boqolaal kamid hogaamiyaasha muslimiinta dunida.

ALLAHA U NAXARIISTO MAXAMED CALI KALAAY

GAROWEONLINE

Related Articles

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM

Ra'iisul Wasaaraha UK oo ka hadlay cadaadiska canshuuraha Trump iyo mowqifka Greenland

Starmer, oo ay garab taagnaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yvette Cooper iyo Wasiirka Maaliyadda Rachel Reeves.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 09:36AM