Meta Oo $25 Milyan Siisay Trump Kaddib Xayiraaddii Akoonadiisa

Image

Garowe Online - Shirkadda Meta ayaa oggolaatay in ay $25 milyan ku bixiso heshiis ay la gaartay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaddib dacwad uu ka gudbiyay shirkaddihii xayiraaddii saaray akoonadiisa kaddib weerarkii ka dhacay xarunta Capitol bishii Janaayo 2021.

Afhayeen u hadlay Meta ayaa xaqiijiyay heshiiska, iyadoo warbixinno sheegayaan in $22 milyan loo qoondeeyay maalgelinta maktabadda madaxweynenimada Trump, halka inta soo hartayna lagu bixin doono kharashaadka sharciga iyo dacwad-oogayaasha kale.

Xiisadda arrintan ayaa soo bilaabatay 2021 markii Meta, oo maamusha Facebook iyo Instagram, ay hakisay akoonada Trump kaddib hadal uu jeediyay oo uu doorashadiisa ku tilmaamay mid lagu shubtay, taasoo dhalisay gadood ay sameeyeen taageerayaashiisu.

Trump ayaa ku andacooday in si sharci-darro ah loo faquuqay, wuxuuna dacwado ka dhan ah xayiraadaha u gudbiyay shirkadaha Twitter (oo haatan loo yaqaan X), Facebook, Google, iyo madaxdooda bishii Luulyo 2021, isagoo ku eedeeyay in ay si ula kac ah u aamusiiyeen codadka garabka midig.

Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa waayadan dambe dib ugu soo dhawaaday madaxda tiknolojiyadda, oo uu ka mid yahay madaxa Meta, Mark Zuckerberg, iyo milkiilaha cusub ee X, Elon Musk, labaduba waxay ka qeyb galeen caleema-saarkiisa Washington DC toddobaadkii hore.

Zuckerberg wuxuu kamid ahaa ganacsatada waaweyn ee helay kuraas gaar ah xilligii Trump la dhaarinayay. Waxa uu sidoo kale wax ka beddelay siyaasadda Meta, isagoo hoos u dhigay xayiraadaha la xiriira xaqiijinta xogaha iyo nidaamka dabagalka baraha shirkadda, oo ay ku jiraan Facebook, Instagram iyo Threads.

Sidoo kale, Meta waxay magacaawday Joel Kaplan, oo ah siyaasi caan ah oo Jamhuuri ah, inuu noqdo madaxa arrimaha caalamiga ah ee shirkadda, halka Dana White, oo ah madaxa Ultimate Fighting Championship (UFC) iyo saaxiib dhaw oo Trump ah, loo doortay guddiga sare ee shirkadda.

Dhaqan-galkii siyaasadaha cusub ee Meta, waxay shirkaddu bishii Diseembar ku dhawaaqday in ay $1 milyan ugu deeqdo xafladdii caleema-saarka Trump.

Daraasadihii ugu dambeeyay ee dhaqaalaha Meta, oo la shaaciyay Arbacadii, waxay muujinayaan in faa'idada saafiga ah ee shirkadda ay sare u kacday 59% iyada oo gaartay $62.36 bilyan sanadkan 2024.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM