Meyd tirro badan oo laga helay Koonfur-Bari ee caasimadda Ingiriiska

Image

LONDON, UK – Booliska koonfur bari ee Ingiriiska ayaa shaaciyay in xoogaga gurmadka degdeg ay 39 meyd kasoo saareen gaari nooca xamuulka gaar ahaan Konteernar, kaasoo la rumeysan in uu ka yimid Bulgaria.

Andrew Mariner, sarkaal u hadlay bileyska lana hadlay warbaahinta maxaliga ah, ayaa Arbacada maanta ah shaaciyey in mas'uuliyiinta ay xaqiijiyeen in meydka ay yihiin 38 dhalinyaro ah iyo hal cunug yar ah.

Mariner ayaa daboolka ka qaadey in gaarigan uu dalkan soo galay 19-kii October, isla markaana "ay si dhow ula socdeen xaaladiisa ayna ku hayeen baaritaano dheeraad ah si loo helo xaqiiqadda".

Darawalka oo la sheegay in uu kasoo jeedo Northern Ireland, da'diisana lagu qiyaasay 25-sano jir, ayaa xabsi ku jira isaga oo la tuhusan yahay in uu khaarijiyey dhamaan dadkan, sida laga soo xigtay warbixinta.

"Dhacdadan waa mid argagax leh, maxaa yeelay waxaa noloshooda waayey tirro badan oo dad ah," ayay raaciyeen laamaha ammaanka.

Sidda ku xusan qoraalka booliska, dhimashadda dadkan ayaa waxaa looga dhawaaqay beerta warshadaha oo ku taala Grays, magaalo dhacda bariga London, caasimadda Boqortooyadda Ingiriiska.

Laamaha ammaanka ayaa waxaa lagu wadaa in ay kala caddeyaan waxay yihiin dadkan iyo jinsiyadahooda. Warar aan la xaqiijin ayaa qeexaya in ay yihiin soo galooti Yurub magan-galyo doon ah kuwaasoo neef-qabatimay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaanka Pakistan oo soo gebagebeeyay safar xal loogu raadinayo dagaalka Bariga Dhexe

Dadaalladan ayaa imanaya xilli cadaadis xooggan uu ka dhashay xiritaanka mar kale ee Marinka Hormuz.

  • Caalamka

    18-04-2026

  • 11:46AM

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM