Mid kamid ah Amiiradda ugu caansan Sacuudiga oo geeriyoodey

Image

RIYADH - Amiir Talal bin Abdulaziz, oo ahaa nin i weyn u taageera isbedelka Sacuudiga ayaa geeriyoodey isagoo 87 sano jir ah, sida ay shaacisay maxkamadda boqortooyadda shalay oo sabti ahayd.

Talal, oo xubin sare ka ahaa qoyska reer boqor islamarkaana dhalay Ganacsade bilyineer ah, oo lagu magacaabo Alwaleed bin Talal, ayaa xanuunsanaa mudo sanado ah.

Talal bin Abdulaziz ayaa soo qabtey xilal dowladeed, oo kala duwan intii uu noolaa mudadii u dhaxeysay 1950-kii illaa 1960-kii, kuwaasoo ay kamid yihiin wasaaradaha Isgaarsiinta iyo maaliyadda Sacuudiga.

Wuxuu ahaa dibad-joog dibadda Sacuudiga ku nool wixii ka dambeeyay 1960-kii kadib markii saraakiisha Sacuudiga ay kala laabteen baasaboorka dalkaasi, sababtoo ah inuu hogaamiyay koox dalbanaysay in Dastuurka Sacuudiga isbedel lagu sameeyo.

Talal bin Abdulaziz ayaa xulufo la ahaa oo aad u taageeri jiray Madaxweynihii hore ee Masar, Gamal Abdel Nasser, oo cadaawad xooggan kala dhaxeysay boqortooyadda dalka Sacuudiga.

Amiirka ayaa ku laabtey dalkiisa hooyo, kadib markii Faisal bin Abdulaziz al-Saud uu boqor ka noqday Sacuudiga 1964, isagoo kadib hoos u dhigay codkii mucaaradnimada.

Talal, oo walaal yihiin Boqor Salman bin Abdulaziz ayaa taageeray go'aankii xayiraadda dhinac kaxeynta gawaaridda looga qaadey haweenka dalka Sacuudiga iyo xakameynta khasarashka ciidamada militeriga.

Amiirka ayaa la dhigy Isbitaal ku yaalla Riyadh dhawaan, balse lama shaacin meesha uu ku geeriyoodey, balse boqortooyadda ayaa shaacisay in maanta oo Axad ah aas loo sameynayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz

Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga.

  • Caalamka

    04-04-2026

  • 06:15PM

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM