Midowga Yurub oo xasarada Falastiin la barbardhigay Soomaaliya

Image
Wakiilka Sare ee Arrimaha Dibadda iyo Amniga ee Midowga Yurub ayaa hadalkan ka sheegay shir kuu Jaamacada Carabta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Josep Borrell, oo ah Wakiilka Sare ee Arrimaha Dibadda iyo Amniga ee Midowga Yurub, ayaa khudbad uu ka jeediyey shirkii Wasiirrada ee Ururka Jaamacadda Carabta.

Wuxuu kaga hadlay xasarada ka taagan Falastiin, isaga oo barbar dhigay xaaladda Soomaaliya.

Borrell wuxuu tilmaamay in sida Soomaaliya oo kale, ay dhibaato iyo xasillooni darro ka taagan tahay Falastiin weli tahay mid adag oo aan wax horumar ah laga gaarin dhinaca nabadda.

Wuxuu ugu baaqay beesha caalamka inay si wadajir ah uga shaqeeyaan xallinta caqabadaha ka jira labada gobol, isaga oo ku adkeystay in la xoojiyo sharciga caalamiga ah si xal waara loo helo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM

Ra'iisul Wasaaraha UK oo ka hadlay cadaadiska canshuuraha Trump iyo mowqifka Greenland

Starmer, oo ay garab taagnaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yvette Cooper iyo Wasiirka Maaliyadda Rachel Reeves.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 09:36AM