Mike Pompeo oo su'aallo laga waydiiyay kulankii Trump iyo Putin

Image

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dowladda Maraykanka Mike Pompeo ayaa su'aallo laga waydiiyay kulankii dhawaan Madaxweyne Trump iyo dhigiisa Ruushka Vladimir Putin ku dhexmaray magaalada Helsinki ee dalka Finland.

Pompeo oo ay su'aallaha waydiiyay xubnaha gollaha Senate-ka ayaa ka gaabsaday inuu bixiyo faahfaahin ku saabsan waxyaabihii ay Trump iyo Putin uga hadleen kulankoodii toddobaadkii hore

Xoghayaha oo kulanka ka hadlaya ayaa yiri “Madaxweynuhu waxuu xaq u leeyahay in kulamo gaar ah yeesho.” Waxaana uu intaas ku daray inay arrin habboon tahay in Madaxweynuhu uu la kulmo Vladimir Putin.

Arrimaha la xiriira faragelinta la sheegay inuu Ruushka ku sameeyay doorashadii madaxtinimada Mareykanka ee 2016kii ayaa kamid ahaa waxyaabaha su'aallaha laga waydiiyay Mike Pompeo.

Sidoo kale, Pompeo ayaa caddeeyey in Maraykanku uusan aqoonsan doonin goosashadii Crimea uu Ruushka sanadkii 2014ka ka gooyay dalka Ukraine, taasoo beesha caalamka kasoo horjeysatay.

Ruushka ayaa marar badan beeniyay inuu ku lug lahaa doorashadii dalka Mareykanka November 8, 2016, taasoo uu ku taageeray inuu kuu guuleysto Trump oo xiligaasi tartan adag kula jirtay Hillary Clinton.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM

Trump oo damaanad-qaaday amniga Ukraine Haddii Heshiis Nabadeed Laga Gasho Ruushka

Marka la eego arrimaha amniga, caawimo badan baa jiri doonta," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 08:33AM