Minneapolis: Maxamed Nuur oo xabsiga laga sii daayay

Image
Maxkamadda Sare ee Minnesota ayaa bishii sanadkii 2020 laashay xukunkii dilka ee horey loogu helay Maxamed Nuur.

WASHINGTON, USA – Maxamed Nuur, oo ah sarkaal ka tirsanaa booliksa Minneapolis oo toogasho ku dilay haweeney aan hubeysneyn sanadkii 2019, ayaa laga sii daayay xabsiga Isniintii ka dib markii uu dhamaystay xabsi muddo saddex sano ah, sida lagu sheegay diiwaannada online-ka ah ee Waaxda Asluubta ee Minnesota.

Muddada xabsigan ayaa ah tan ugu badan ee lagu ridi karo qof lagu helay dambi dil kama’a kadib markii ay maxkamad laashay dambi dil ah oo horey loogu helay Maxamed Nuur.

Maxamed Nuur ayaa horey loogu helay dambi dil darajada saddexaad ah ah iyo dil kama’ ah oo la xiriira toogashadii ay 2017 ku dhimatay Justine Ruszczyk Damond, oo aheyd gabar Australian-American oo 40 jir ah.

Maxamed Nuur ayaa xabad ku dhuftay Justine kadib markii ay isaga iyo sarkaal kale oo boolis ah ay tageen gurigeeda taasi oo ka dambeysay markii ay soo wacday taleefonka xaaladda deg degga ah ee 911, si ay ugu wargelisay kufsi ay suurta-gal aheyd inuu ka dhacayey gurigeeda gaadaashiid.

Maxamed ayaa sheegay inuu ka argagaxay qaylida Justine, kadibna uu xabadda riday.

Maxkamadda Sare ee Minnesota ayaa bishii sanadkii 2020 laashay xukunkii dilka ee horey loogu helay Maxamed Nuur, ayada oo sheegtay in xeerka dilka ee darajada saddexaad uusan ku habboonayn kiiskan.

Garsoorayaasha ayaa sheegay in dacwad noocan ah kaliya lagu dabaqi karo marka eedeysanaha muujiyo “inuusan wax ahmiyad ah u hayn nolosha bani’aadamka oo dhan,” ee aysan aheyn marka ficilka uu ku wajahan yahay qof gaar ah, si la mid ah Justine.

Xeerbeegtida ayaa ku xukuntay labada dil ee darajada saddexaad - oo loo yaqaan "dilka maskaxda xun" - iyo dil, waxaana markii hore lagu xukumay 12½ sano oo xabsi ah.

Si kastaba ha ahaatee, maxkamadda sare ee Minnesota ayaa bannaysay xukunkii dilka darajada saddexaad sannadkii hore, iyadoo sheegtay in aanay jirin caddayn ku filan oo lagu sii wadi karo. Dabadeed waxa lagu xukumay afar sano iyo sagaal bilood oo xarig ah oo lagu soo oogay eedaymo dil ah.

Gobolka Minnesota, maxaabiista si wanaagsan u dhaqma, ayaa badanaa xabsi ku qaata laba meelood saddex meel, waana lasii daayaa kadib ayada oo inta ka harsan muddada xabsiga dusha laga ilaalinayo.

Waxa uu ku jiri doonaa siidaynta kormeerka ilaa Janaayo 24, 2024, sida ay sheegtay Waaxda Asluubta ee Minnesota.

Maxamed Nuur ayaa maxkamdeyntii koowaad waxaa lagu xukumay 12 sano iyo bar xabsi ah, kahor inta uusan racfaanka u qaadan Maxkamadda Sare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo raadinayaa siyaabo uu ugu badbaadiyo TikTok in laga mamnuuco Mareykanka

Jimcihii waxay sheegeen, in calaamad madoow ay u soo bixi doonto dadka adeegsado ee cinwaannada ku leh TikTok ee gudaha Mareykanka.

  • Caalamka

    19-01-2025

  • 05:26AM

Furriin Soo Socda? Sababta Loo Hadal Hayo Obama iyo Michelle Maalmaha

Arrimahaasi waxaa sii kordhiyey maqnaanshaha Michelle Obama ee dhacdooyin waaweyn oo dhawaanahan dhacay.

  • Caalamka

    16-01-2025

  • 05:03PM