Mo Farah oo lagu dhibaateeyay dalka Jarmalka

Image

Orodyahanka caanka ah ee Mo Farah ee dalka Ingiriiska uga qeyb gala ciyaaraha orodada ayaa sheegay in ilaalada garoon ku yaala dalka Jarmalka ay qashqashaadeen xili uu u safrayay dalka Itoobiya.

34 jirkan oo bisha dambe ka qeyb geli doono tartan ka dhici doono magaalada London ayaa bartiisa Instgram-ka soo dhigay muqaal muujinaya nin u muuqday ilaalada garoonka oo riixaya Mo Farah.

Afhayeen u hadlay Mo Farahan waxaa uu sheegay in dhacdadaasi ay shalay oo tallaado aheyd ka dhacday dalka Jarmalka, xili Mo Farah uu kusii jeeday Itoobiya, halkasi oo uu tababar ku qaadanayo.

Waxaa kale oo uu afhayeenka sheegay in dhacdadani mid ula kac ah, isla markaana si aan cadaalad aheyn loola dhaqmay Mo Farah

BBC-da ayaa isku dayda inay la xiriirto saraakiisha garoonka Munich, balse uma aanay suurtagelin inay jawaab ka hesho.

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM