Mucaaradka iyo dowlada Koonfurta Sudan oo heshiis wada gaarey

Image

November 8, 2014 (GO)- Dowlada iyo mucaaradka Koonfurta Sudan ayaa shalay oo Jimce ahayd  heshiis hordhac ah ku gaarey  magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya. Qodobada laysu afgartay waxaa kamid ah in dagaalka si shuruud la'aan ah lagu joojiyo islamarkaana mudo 15 maalmood gudahood ah lagu gaaro heshiis dhameystiran.

Heshiiska oo yimid kadib wada hadal dheer oo muddo bilo ah soo socdey, islamarkaana urur goboleedka IGAD gar wadeen ka ahaa waxaa labada dhinac u kala saxiixay Madaxweynaha Koonfurta Sudan Salva Kiir Mayardit iyo ku-xigeenkiisii hore xilaganse ah hogaamiyaha mucaaradka Riek Machar.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeyey heshiiska isagoo shaaciyey in xayiraad dhanka socdaalka iyo dhaqaalaha ah lagu soo rogi doono dhinacyada isku haya siyaasadda dalka Koonfurta Sudan haddii ay ku xad gudbaan xabad joojinta.

Boqollaal qof ayaa ku geeriyoodey in ka badan labo milyan oo kalena way ku barakaceen dagaalo ka bilowday Koonfurta Sudan December 2013, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada dowladda iyo mileeshiyaad ka amar qaata madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dalkaas Riek Machar oo isaga lagu soo eedeeyey inuu mas'uul ka ahaa afgembi dhicisoobay.

Dagaalada ayaa dib usoo cusboonaday dhowr todbaad kahor kadib markii ciidamada dowladda iyo xoogaga mucaaradku ku dagaalameen magaalada shidaalka qaniga ku ah ee Bentiu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha dalalka Muslim-ka oo ku Shiraya Doha si ay uga Jawaabaan Duqeyntii Israa’iil ee Qatar

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii si mid ah u cambaareeyay weerarka Israa’iil ku qaaday Qatar.

  • Caalamka

    14-09-2025

  • 10:37AM

Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:34AM