​Mudaharaad ka dhacay Maraykanka

Image

Mudaaharaadyo dhowr ah ayaa ka dhacay dhowr magaalo oo waaweyn oo ku yaalla Maraykanka, kuwaasoo lagu diiddan yahay doorashada Donald Trump loo doortay inuu noqdo madaxweynaha Maraykanka.

Dad ka xun doorashada uu kusoo baxay Madaxweynaha cusub ee Maraykanka, ayaa soo hor dhoobtay dhismaha Trump Tower ee magaalada New York, kuwaasoo diiddan siyaasadaha ninka ee dhanka soo galootiga, xuquuqda nimow-naagga iyo xuquuqda dhalmada.

Banaanbaxayaal kale, ayaa isugu soo baxay magaalooyinka Chicago, Philadelphia iyo San Francisco. Portland, Oregon, dad mudaaharaadayey ayaa muddo yar waxay xireen waddo weyn oo gawaaridu marto.

Dadka mudaaharaadayey waxay ku dhawaaqayeen 'ma aha madaxweynahayaga', kalmaddaasoo aad looga isticmaalayo baraha bulshada.

Trump wuxu galinka dambe ee maanta la kulmi doonaa Madaxweyne Obama oo ku casuumay Aqalka Sare isagoo ugu hambalyeeyay guushiisa.

Arrintan ayaa timid kadib markii dadka soo galootiga ah ka walaacsanaayeen haddallo uu sheegay xilligii uu ahaa murashaxa kaasoo ku aadan sii joogistoo dalka Maraykanka.

Somalida ayaa kamid ah dadka ka cabsi qaba inuu sameeyo tallaabooyin uu ku dhaqaaqo marka uu xilka la wareego.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM