Mudo kordhin loo sameeyay UNSOM xilli UN-ka wakiil u joogin

Image

Gollaha Amaanka ayaa shalay oo Arbaco ahayd meel mariyay qaraar cusub oo mudo kordhin loogu sameeyay Howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya [UNSOM].

Sida ku xusan Qaraarka tirsigiisu yahay 2461, mudo hal sano ah ayaa loo kordhiyay waqtiga UNSOM ee joogitaanka Soomaaliya, oo la gaarsiiyay illaa March 31, 2020.

UNSOM ayaa sii wadi doonta taageeradda Istiraatiijiyadeed iyo talooyinka ay siinayso dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo AMISOM oo ku saabsan nabad iyo dowlad-dhisidaa dalka.

Waxa kaloo UNSOM xoojinaysaa joogitaanka dhamaan dowlad goboleedyada [Puntland, Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland], oo caasimadahooda ay xafiisyo uga furan yihiin.

UNSOM ayaa kala shaqeyn doonta dowladda Federaalka qabashada doorasho loo dhan yahay, oo hal qof iyo cod ah, taasoo qabsoomideeda ay dad badan shaki geliyeen, sababo la xiriira amniga iyo xaalada jirta.

Waxaa lagu booriyay dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada inay dedejiyaan hirgelinta barnaamijka dib u habeynta ciidamo qaran oo la wareegga mas'uuliyadda amniga oo hadda gacanta ku haya AMISOM.

UNSOM ayaa la aas-aasay June 3, 2013 kadib markii qiimeyn lagu sameeyay xaaladda Soomaaliya oo xilligaasi dalka kasoo baxay xaaladdii kala guurka, oo la dhisay dowladdii uu hogaminyay Xasan Sheekh.

Gollaha Amaanka ayaa dhowr jeer mudo kordhin u sameeyay UNSOM, iyadoo qaraarkii shalay uu kusoo beegmayo xilli horaantii sanadkan ay dowladda Federaalka dalka ka eriday Wakiilkii QM Nickolas Haysom.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ugu hanjabay Iran Dagaal ka weyn kii hore haddii diido ‘Heshiis Rasmi Ah’

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social, ayuu Trump ku sheegay in joogitaankan uu ka koobnaan doono.

  • Caalamka

    09-04-2026

  • 05:33AM

Lubnaan: Israel oo 112 qof ku dishay duqeymo Maanta fulisay

Lubnaan waxay ku jirtaa xaalad adag, dadka rayidka ah ayaana bixinaya qiimaha ugu sarreeya ee colaaddan.

  • Caalamka

    08-04-2026

  • 04:28PM