Mukhalaskii ugu weynaa caalamka oo gacanta lagu dhigay

Image
Kidane Zekarias Habtemariam oo u dhashay Eritrea ayaa lagu qabtey gudaha Suudaan.

ABU DHABI, UAE - Tallaabooyin uu qaadey Imaaraadka ayaa horseeday in la xiro mukhalas muddo dheer la raadinayey, Kidane Zekarias Habtemariam, sidda booliska caalamiga ah ee loo yaqaano Interpol ku shaaciyey war-saxaafadeed rasmi ah.

Waxaa lagu yaqaanaa inuu si xun ula dhaqmo dadka soogalootiga ah iyo inuu madax u yahay urur weyn oo dambiilayaal ah oo ka dambeeya afduubka, baadda iyo dilka muhaajiriinta Bariga Afrika.

Muwaadinkan u dhashay Eritrea ayaa waxaa baadi goobayay booliska caalamiga ah tan iyo 2019. Interpol ayaa laba jeer ogeysiis cas ah waxay u dirtey Itoobiya iyo Netherland si ay u xiraan shaqsigan.

Qabashada ninkan ayaa sootey muddo sagaal bilood ah, sida lagu sheegay qoraal uu baraha bulshada soo dhigay Sheekh Saif bin Zayed, oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Imaaraadka Carabta.

Habtemariam ayaa markii hore lagu xiray dalka Itoobiya sanadkii 2020-kii, balse hal sano kadib ayuu ka baxsaday xabsiga, waxaana markii dambe lagu xukumay xabsi daa’in.

Ka dib kulan ay yeesheen guddi hawleed u dhexeeya Itoobiya, Suudaan, Netherlands, UAE, Europol iyo Xarunta Hawlgallada Gobolka, mas'uuliyiinta Imaaraadku waxay baaris dheer ku sameeyeen shabakadiisa iyo xubnaha qoyskiisa, iyagoo ogaaday dhaqdhaqaaqyada lacag-dhaqidda ee uu ka fuliyey gudaha Suudaan.

Ugu dambeyntii, gudaha dalka Suudaan ayaa lagu xiray 1-dii Janaayo. Waxaa la sheegay in uu xabsiga ku dhameysan doono ka dib marka la dhammeeyo nidaamka sharciga ah.

Habtemariam ayaa hadda wajihi doona maxkamad ku taala Imaaraadka iyadda oo lagu soo oogi doono dacwad  lacag dhaqis ah. Mas’uuliyiinta ayaa dib u eegis ku sameyn doona suurta galnimada in la wareejiyo kadib markii kiiska lagu soo gabagabeeyo gudaha Imaaraadka, Suwaidi ayaa laga soo xigtay AFP.

Imaaraatka Carabta ayaa lagu soo waramayaa in ay Interpol kala hadlayaan suurta galnimada in baaritaan kale lagu bilaabo ruuxan sidda weyn dadka tahriibiya.

Booliska caalamiga ah ee Interpol waxaa madax u ah Major General Ahmed Nasser al-Raisi oo u dhashay dalka Imaaraadka Carabta. Sarkaalka waxa uu ku shaqaynayaa muddo afar sano ah magaalada Lyon, Faransiiska laga soo bilaabatay Noofembar 2021.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Syria: 1,000 qof oo ku dhintay dagaal u dhaxeeya Suniyiinta iyo Shiicada 

Isku dhacyada ayaa u dhaxeeyay ciidamada dowladda cusub ee Suuriya iyo xoogag daacad u ah madaxweynihi xilka laga tuuray ee Bashar Assad.

  • Caalamka

    09-03-2025

  • 02:32PM

Xuutiyiinta Oo Afar Maalin u qabtay Israa’iil Inay Gargaarka Bani’aadamnimada u Fasaxdo Gaza

Talaadadii, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in Xuutiyiinta loo aqoonsaday "Urur Argagixiso Ajaanib ah."

  • Caalamka

    08-03-2025

  • 07:48AM