​Muran ka dhex taagan Mucaaradka UK

Image

Cod bixintii shacabka UK u qaadeen inay ka baxaan Midowga Yurub maalintii Khamiista, ayaa muran xoogan ka dhex kicisay xisbiga mucaarka dalkaasi ugu wayn ee Labour-ka.

Waxaa laga dhur sugayaa inay xilka baneeyaan xubnaha xukuumadda daah-kujirka ah ee mucaaradka oo loo yaqaano (shadow cabinet).

Masuuliyiinta Xisbigaasi ayaa cadeeyay in Jeremy Corbyn oo ah hogaamiyaha Labour-ka uusan raali ka ahayn in Britain ka sii mid ahaato qaarada Yurub, taasina ay shacabka dalkaasi ku kalifatay inay u ceedaay ka bixitaanka Midowga.

Hilary Benn oo ahayd u qaabilsanaha xisbiga Labour-ka arimaha dibada ayaa waxaa xilkaasi ka qaaday hogaamiyaha xisbigani Jeremy Corbyn.

Benn ayaa ku taliyay in  mooshin laga keeno hogaamiyaha xisbiga Jeremy Corbyn, maadaama uusan raali ka ahayn in dalwaynaha UK kamid ahaa midowga Yurub, taasina ay sababtay in masuuliyadi laga xayuubiyo Hilary Benn.

Xisbiga mucaarka ah ee Labour-ka ayaa u ololeynayay in Britain ay kasii mid ahaato Midowga Yurub.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM

Ra'iisul Wasaaraha UK oo ka hadlay cadaadiska canshuuraha Trump iyo mowqifka Greenland

Starmer, oo ay garab taagnaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yvette Cooper iyo Wasiirka Maaliyadda Rachel Reeves.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 09:36AM