​Murashaxiinta Trump iyo Clinton oo xoojiyay Olalahooda

Image

Xill ay ka harsantahay wax ka yar hal todobaad maalinta ay dadka Mareykanka soo dooran doonaan madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka, ayey warbixinti ugu danbeysay ee ra’yiga dadweynaha ee doorashada muujineysaa in musharraxiinta Hillary Clinton iyo Donlad Trum ay aad isugu dhawyihiin.

Trum iyo Clinton oo ka kala socda xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga ayaa shalay iyo xalayba xoojiyey ololahooda doorashada.

Donald Trump wuxuu Talaadadi ka ololeeyey Wisconsin, halkaas oo uu dadka Dimoqraadiga ah ee codadkooda siiyey Hillary Clinton ay ka laabtaan oo ay isaga u codeeyaan.

Musharaxa kale ee xisbiga Dimoqraadiga Hillary Clinton, ayaa iyaduna ololaheeda ka xoojisay gobolka Florida, halkaas oo ay ka sheegtay in hab dhaqanka Trump ee ka dhanka ah dumarka ay haweenka Mareykanka ku tahay dullinimo, bahdil iyo caay.

VOA

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM