Muslimiin cibaadeysaneysay oo lagu dilay weerar lagu qaadey Masjid

Image

OUAGADOUGOU, Burkina Faso – Ugu yaraan 16 Muslimiin cibaadey-saneysay ayaa lagu dilay, laba kelana dhaawac culus ayaa soo gaarey markii la weeraray Masjid ku yaala dalka Galbeedka Afrika ku yaala ee Burkina Faso.

Dabley aan la aqoonsan heybtooda ayaa rasaas ku furtay gudaha Masjidka oo ku yaala xaafadda Salmossi ee dhacda gobolka waqooyi Oudalan, sidda ay tabineyso saxaafadda maxaliga ah ee wadankaas.

Wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP ayaa illo wareedyo ciidamada ah xigtay in weerarka uu dhacay Jimcadii, inkasta oo wararku tibaaxayaan in uu bilowday Sabtidii.

Saddex iyo toban ayaa ku geeriyootay isla goobta, halka saddexda kale ay u dhinteen dhaawacyo kasoo gaarey "falkan argagixisonimo". Laamaha ammaanka ayaa sheegay in ay baaritaan ku bilaabeen.

Burkina Faso ayaa sanadihii lasoo dhaafay waxay dagaalo qaraar kula jirtaa koox Islaami ah, taasi oo xiliyadda qaar weeraro kala duwan ka fulisa waddankaas.

Ansarul Islam & JNIM oo ah koox taageerta Islaamka iyo Muslimiinta ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay dishay wadar ahaan in ka badan 500 oo ruux.

Xoogagan ayaa beegsada Masiixiyiinta iyo wadaadada Muslimiinta oo ay u aqoonsan thay kuwa aan haysan "caqiiqo ku filan"

Bishii July 15-keeda, inta la xaqiijiyey 15-ruux ayaa waxay ku naf-weyday ka gedaal markii maleyshiyaad ay beegsadeen kaniisad ay Masiixiyiintu leeyihiin oo ku yaala waqoyga magaaladda caanka ah ee lagu magacaabo Diblou.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM