​Muslimiinta California oo loo hanjabay

Image

Golaha xiriirka Muslimiinta iyo Maraykanka ee loo soo gaabiyo CAIR ayaa booliska gobolka California ka codsatay inuu ilaaliyo masaajidda gobolkaasi ku yaalla oo helay waraaqo lagu taageerrayo madaxweynaha la doortay ee Donald Trump, sidoo kalena Musliminta loogu hanjabay in la xasuuqi doono.

Waraaqaha la qaybiyay oo gacanta lagu qoray kadibna la badiyay, ayaa lagu qoray hadal ka dhan ah Islaamka ku tilmaamay dad wasakh ah oo maan gaaban, isla markaana ku wargelisay in ay shandadahooda ka xir-xirtaan Maraykanka

Qoraalka, ayaa sidoo kale lagu ammaanay Donald Trump oo la sheegay inuu yahay ninkii waddankan ka eryi lahaa Muslimiinta.

CAIR, ayaa codsaday in la ilaaliyo goobaha muslimiintu ku cibaadaystaan, si looga hortago falal amni darro.

Intii lagu guda jiray ololaha doorashada Maraykanka, Trump ayaa sheegay inuu Muslimiinta ka mamnuuci doono inay galaan Maraykanka ilaa inta laga ogaanayo waxa uu ku sheegay sababta tiro badan oo Muslimiinta ka mid ahi u taageeraan colaadda loo qabo dadka USA.

GAROWEONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM