​Muslimiinta California oo loo hanjabay

Image

Golaha xiriirka Muslimiinta iyo Maraykanka ee loo soo gaabiyo CAIR ayaa booliska gobolka California ka codsatay inuu ilaaliyo masaajidda gobolkaasi ku yaalla oo helay waraaqo lagu taageerrayo madaxweynaha la doortay ee Donald Trump, sidoo kalena Musliminta loogu hanjabay in la xasuuqi doono.

Waraaqaha la qaybiyay oo gacanta lagu qoray kadibna la badiyay, ayaa lagu qoray hadal ka dhan ah Islaamka ku tilmaamay dad wasakh ah oo maan gaaban, isla markaana ku wargelisay in ay shandadahooda ka xir-xirtaan Maraykanka

Qoraalka, ayaa sidoo kale lagu ammaanay Donald Trump oo la sheegay inuu yahay ninkii waddankan ka eryi lahaa Muslimiinta.

CAIR, ayaa codsaday in la ilaaliyo goobaha muslimiintu ku cibaadaystaan, si looga hortago falal amni darro.

Intii lagu guda jiray ololaha doorashada Maraykanka, Trump ayaa sheegay inuu Muslimiinta ka mamnuuci doono inay galaan Maraykanka ilaa inta laga ogaanayo waxa uu ku sheegay sababta tiro badan oo Muslimiinta ka mid ahi u taageeraan colaadda loo qabo dadka USA.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM