Muslimiinta Yurub oo wacdarro ka sameeyay dabaal-degga Ciida

Image
Image

Iyadoo maalintii shalay oo Jimco ahayd, si isku mid ah looga wada oogay maalinta 1aad ee Ciidul Fitiriga, ayaa Muslimiinta ku nool UK, gaara ahaan Magaalada Birmingham, waxay u dhigeen Muslimiinta Yurub rikoor cusub.

Rikoorkaan ayaa wuxuu yahay inay sameeyeen isku soo bixiyaan ugu waynaa abid, kaasoo loogu dabaaldegayo Ciida, waxaana lagu sheegay tiradooda in ka badan 140,000 oo qof.

Dadkaan ayaa waxay isugu soo baxeen beerta Small Heath Park, oo ku taalla magaaladda Birmingham, waxayna tahay sanadkii todobaad oo xiriir ah oo sidaan oo kale loogu oogo beertaan Salaada Ciida.

Dabbaaldegga weyn waxaa qabanqaabiyay Masjidka Green Lane iyo Xarunta Bulshada (GLMCC) ee magaalada, kuwaasoo Salaada kadib dadka u qeybiya cuntooyin fudud iyo hadiyado kale.

Afhayeen u hadlay Guddiga qaban-qaabadda wuxuu sheegay in qeybgalayaasha ay ka kala yimaadaan dalal kala duwan, ayna isugu jiraan dad haysta manaahiijta kala duwan ee diinta suuban ee Islaam-ka.

Maalmaha Ciida waa ay uga duwan tahay maalmaha kale, shucuubta muslimiinta, iyagoo la isa siiyo Hadiyada iyo waliba waxyaabo kale oo qaali ah, islamarkaana ay isku booqdaan xaafadaha maalmaha ciida lagu guda jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM