Muxuu Putin ugu han-qal-taagayaa qabsashadda Ukraine?
MOSCOW, Russia - Maqaal dheer oo uu qoray bishii Luulyo 2021, Putin ayaa ku tilmaamay Ruushka iyo Ukraine inay yihiin "hal dad", wuxuuna u soo jeediyay reer galbeedka inay musuqmaasuqeen Ukraine oo ay ka soo saareen wareegga Ruushka iyagoo adeegsanaya "beddelka aqoonsiga".
Noocaas ah dib u eegista taariikhiga ah ayuu mar kale kusoo qaadey khudbadii uu Putin u jeediyay dadka Ruushka Isniintii xilligaas oo uu ku dhawaaqayay go'aankiisa uu Jamhuuriyado ugu aqoonsadey gobolada Donetsk iyo Luhansk, halka uu shaki galiyay madax banaanida Ukraine.
Laakiin dadka reer Ukraine, kuwaas oo soddonkii sano ee la soo dhaafay ay doonayeen in ay si dhow ula jaan qaadaan hay'adaha reer galbeedka sida Midowga Yurub iyo NATO, ayaa gaashaanka ku dhuftay sheegashooyinka la xiriira in aysan reer galbeedka uga duwaneyn "boombale".
Dhab ahaantii, dadaalka Putin uu ku doonayo in Ukraine uu dib ugu soo celiyo Ruushka ayaa la kulmay diidmo, iyadoo dhowr doorasho oo dhowaan la sameeyay ay muujisay in inta badan dadka Ukraine ay hadda door bidaan xubinnimada xulafada militariga ee Maraykanku hoggaamiyo.
Bishii Disembar, Putin wuxuu u soo bandhigay Mareykanka iyo NATO liiska shuruudo dhanka amniga ah. Qodobada waxaa kamid ah dammaanad ah in Ukraine aysan waligeed geli doonin NATO iyo in isbahaysigu dib u soo celiyo raadkiisii milatari ee Bariga iyo Bartamaha Yurub.
Balse waa soo jeedin ay Mareykanka iyo xulafadiisa ay ku celceliyeen Moscow. Putin waxa uu tilmaamay in aanu danaynayn wada xaajood dheer oo ku saabsan mawduucan.
"Adiga ayaa ah cidda dammaanad qaadka na siisa, waana inaad si degdeg ah u samaysaa, hadda," ayuu ka sheegay shirkiisii jaraa'id ee sannadlaha ahaa dabayaaqadii sannadkii hore 2021.
Wuxuu raaciyey: "Miyaan gantaallo dhignay meel u dhow xuduudka Mareykanka, maya, ma nihin, waa Mareykanka oo gurigeena la yimid gantaaladiisa oo durba iriddayada taagan."
Wadahadallo heerkiisu sareeyo oo u dhaxeeyay reer Galbeedka iyo Ruushka ayaa la soo gabagabeeyay bishii Janaayo iyadoo aan wax natiijo ah laga gaarin qodobada waaweyn ee ay dhinacyadda isku hayaan.
Ismari-waaga ayaa keenay in hogaamiyayaasha Yurub ay galaan jahwareer dhanka diblumaasiyadda ah, iyaga oo sahaminaya in kanaalka wada xaajoodka ee u dhexeeya Faransiiska, Jarmalka, Ruushka iyo Ukraine lagu xaliyo khilaafka bariga Ukraine.
Wadahadaladan waa loo yaqaan wadahadalka Normandy Format - uu bixin karo waddo lagu dejiyo dhibaatada taagan. Moscow iyo Kyiv ayaa muddo dheer isku khilaafay qodobbada muhiimka ah ee heshiiska nabada, kaas oo kii labaad qalinka lagu duugay 2015, wuxuuna dajiyay qorshe dib loogu soo celinayo labada Jamhuuriyadood ee ka go'ay Ukraine.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa dhawaan sheegay in aanu jeclayn hal qodob oo ka mid ah heshiisyadii Minsk, kaas oo u baahan in laga wada hadlo doorashooyinka maxalliga ah ee gobollada gooni-goosadka ah ee Ruushku taageerayo iyo - inkasta oo aan la caddayn sida ay isugu xigaan - waxay sidoo kale dib u soo celinaysaa maamulka dawladda Ukraine ee bariga xuduudaha.
Dadka dhaleeceeya ayaa sheegaya in heshiiskan uu Moscow siin karo awood aan munaasib ahayn oo ku aaddan siyaasadda Ukraine. Putin ayaa mar hore si bareer ah uga jawaabay isagoo sheegay in iyada oo aan loo eegin in Zelensky uu jecel yahay qorshaha, ay tahay in la fuliyo.
"Jeclow ama ha jecli, waa waajibkaaga, quruxdayda," ayuu Putin ku yiri shir jaraa'id oo uu la hadlayay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron. Zelensky, oo hore u ahaan jiray majaajiliiste iyo xiddig TV, ayaa ku guuleystay doorashadii 2019 si aqlabiyad ah.
Zelensky ayaa ballanqaaday inuu joojinayo dagaalka Donbas, laakiin wax yar ayaa isbedelay. Isagoo ka jawaabaya su'aal ku saabsan luqadda adag ee Putin, "waa luqadda aan dublamaasiyadeed ahayn," Zelensky wuxuu ku jawaabay afka Ruushka, isagoo si cad u yidhi: "Ma nihin kuwa kisi ah".
GAROWE ONLINE