Netanyahu iyo Erodgan oo aflagaado is-dhaafsaday

Image

Ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa maanta madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ugu yeeray “Kaligii taliye” iyo “qiyaali” ayada oo mar kale labada hoggaamiyo ay aflgaado is-dhaafsadeen.

Turkey ayaa talaadadii ku cambaareysay Netanyahu “Cunsurinimo cad” kadib markii Israel uu gu yeeray dal ay leeyihii “Dadka Yahuudda ah” oo kaliya, oo aysan muwaadiniinta kale waxba ku lahayn.

“Sida ku cad xeerka muwaadinnimada dalka ee aan ansixinay Israel waa dal Yahuudeed oo kaliya” ayuu Netanyahu ku yiri qoraal uu soo dhigay barta Instagram.

Afhayeenka Erdogan, Ibrahim Kalin ayaa hadalkaas ka jawaabay, wuxuuna qoraal uu soo dhigay Twitter ku yiri “Waxaan cambaareynayaa cunsurinimadan cad iyo midab sooca”

Netanyahu ayaa u jawaabay Kalin isaga oo yiri “Kaligii taliyaha Turkiga ee Erdogan, wuxuu weeraraa dimoqraadiyadda Israel, halka suxufiyiin iyo garsooreyaal ay ka buxaan maxaabiistiisa” ayuu yiri Netanyahu.

Labada hoogaamiye ayaa hore dhowr jeer sidan oo kale isku dhaafsaday hadallo kulul, ayada oo Erdogan uu yahay mid ka mid ah hoggaamiyayaasha fara ku tiriska ah ee dalalka Islaamka ee inta badan cambeereeya Israel.

Related Articles

Caalamka oo soo dhaweeyay xabbad-joojinta Mareykanka iyo Iran

Midowga Yurub ayaa ku tilmaantay heshiiska tallaabo muhiim ah oo lagu dejinayo xiisadda, halka dalal ay ka mid yihiin India.

  • Caalamka

    08-04-2026

  • 10:53AM

Iran oo diiday xabbad-joojin ku meel gaar ah

Baqaei ayaa sheegay in Tehran ay gudbisay shuruudo ku saleysan danaha qaranka iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyeyaal.

  • Caalamka

    06-04-2026

  • 04:33PM